berberatoday.com
Nuxurka Farriin Uu Af-hayeenkii Tahriibay Ee Madaxweyne Siillaanyo Kasoo Diray Qaaradda Yurub
October 5, 2016 - Written by Berbera Today

Mid Ka Mid Ah Shakhsiyaadka Uu Madaxweyne Siilaanyo Tacabka Geliyey Noloshooda, Nasiib-darro’se Ka Abaal-ka-dhacay

Dhuxul_2-300x233Hargeysa(Berberatoday.com)-Af-hayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland ee dalka tahriibka kaga baxay Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sanad kadib warbaahinta lagu arkay, waxana uu markale isaga oo is muujinaya shaaciyey inuu xubin ka yahay xubnaha Ex. Wasiir Xirsi shaqadooda uga dareeray ee wada-hadalka kula jira xisbiga WADDANI.

Axmed Saleebaan Dhuxul oo safar dheer oo uu waddamo badan qaab tahriib ah ugu kala gudbay kadib haatan sharci-darro ku jooga waddanka Faransiiska, ayaa khadka kula soo xidhiidhay Telefishanka Bulsho, waxana uu carrabka ku adkeeyey inuu xubnaha la filayo inay ku biiraan xisbiga WADDANI si weyn u taageersan yahay.

Mudane Dhuxul oo ay ka muuqatay inuu xubnihii ay isku jaalka ahaayeen oo muddo sanad ah camal la’aan ah istusaya, isla markaana doonaya inuu shacabka is xasuusiyo inuu hadal ku darsan karo arrimaha taagan, ayaa,  sheegay in wada-haddalka ay WADDANI kula jiraan guulaysan doono, isagoo xubnaha is-bahaysiga la baxayna si weyn u ammaan, “qorshaha iyo wada-hadalku wuu soconayaa, ujeeddadanu waa sidii meel loo wada mari lahaa, waanad la socotaayoo ragga is bahaysiga ku jiraa waa raggii Somaliland soo dhisay, sharaftii ay qaranka kusoo dhiseena waxa caddaynaysa inay ahaayeen inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo tiirar u ahaayeen. Maantana waxa la qabtay ee dalka ka jira raggii hormuudka ka ahaa bay ahaayeen.” Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.

Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa muddo haatan laga joogo sanad iska casilay xilka afhayeenka madaxtooyada oo uu muddo dheer hayey, waxana uu bilo yar kadib dhuumasho kaga baxay waddanka, isagoo u xadhko xidhay tahriib dheer oo uu ku beegsanayo dalalka reer Yurub oo uu noloshooda soo dhadhamiyey xilligii uu qasriga madaxtooayda haldoorka ka ahaa, waxana uu isaga gudbay dalal badan oo yurubta Bari iyo midda galbeedba u badan, waxana uu aakhirkii bustaha dhigtay dalka Faransiiska oo uu rajaynayo inay ka aqbalaan codsi qaxootinimo uu ka tuugay.

Mudane Dhuxul, ayaa  kamid ahaa shakhsiyaadka uu madaxweyne Siilaanyo tacabka badan geliyey sidii ay unoqon laheen kuwo saamayn leh, isla markaana noloshoodu korto, balse nasiib darro markii uu muddo shan sano ah  xilal kala duwan soo hayey waxa uu noqday mid ka abaal ka-daray madaxweynihii usoo hiiliyey xilliyadii adkaa ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale cadaadiska badan ku haysay, waxana uu safka hore ka galay xubno tiro yar oo sameeyey iskuday afgembi dhicisoobay oo xukuumadda ka dhan ahaa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews