berberatoday.com
Shirkadda Hass Petroleum Oo Ku Fashilantay Dhismaha Dugsi Hoy Ah Oo Ay Hore Uga Dhagax-dhigtay Laascaanood X
October 5, 2016 - Written by Berbera Today

Xil. Siciid Maxamed Cilmi Oo Hogo-Tusaaleeyey Caqabadaha Dugsiga Hortaagan Iyo Sida Looga Bixi Karo

hass

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa gebi ahaanba bar-kuma-taal noqday oo guuldarro ku dhammaaday qorshe ay shirkadda Hass Petroleum iyo xukuumadda Somaliland iska kaashadeen oo ay ku doonayeen inay magaalada Laascaanood kaga hirgeliyaan dugsi hoy ah oo halkaas laga hirgeliyo.

Qorshaha dugsigan hoyga ah lagu dhisayey oo ay iska kaashanayeen shirkadda arrimaha shidaalka ku shaqada leh ee Hass Petroleum iyo hay’adda Care, ayaa la dhagax—higay 27-6-2015-kii, ilaa iyo haatanna wax isbeddel ah laguma samayn goobtii bannaanayd ee masuuliyiintani sheegeen inay dugsi ka dhisi doonaan, iyagoo bulshadii deegaankuna weli qabto baahidii dhinaca waxbarashada ahayd ee ay la ildarnaayeen.

Wararka kasoo baxaya guuldarrada ku habsatay mashruucii midho-dhalkiisa la filayey ee shirkadda Hass iyo hay’adda Care ku doonayeen inay dugsigaas ku hirgeliyaan, ayaa sheegaya in la shirqoolay qorshihii niyad wanaagga ahaa ee uu ka lahaa Dugsiga Hoyga Laascaanood guddoomiyaha shirkadda Hass Md Cabdinaasir Cali Dheere.

Xafladdii lagu dhagax dhigayey dugsigaas waxaa udub dhexaad u ahaa, ballanqaadka dhismaha dugsigana dusha u ritey Shirkadda HASS PETROLEUM, Hase yeeshee iyadoo sannadguuradii labaad ee dhagax dhigga dugsigu inagu soo dhowdahay, ayaa muuqaalo laga soo qaaday goobtii dugsiga loo dhagax dhigay waxay muujinayaan in ay haawanayso oo aanay jirin wax la tilmaamo hass-laascaanoodoo laga qabtay.  Sidoo kale, Xilligaasi ilaa maanta ma cadda kaalinta ay hay’adda Care International ka qaadanayso hawsha dhismaha dugsiga, mana jiro wax war ah oo rasmi ah oo ilaa hadda saxaafadda iyo dadweynaha loo soo bandhigay oo

warar hoose ayaa bidhaaminaya hay’addan oo laga leeyahay dalka maraykanka kana mid ah kuwa ugu macangagsan marka laga hadlayo habka xisaabaadka inay faraheeda ka laabatay qandaraaskii lagu bixinayey dhismaha dugsiga kadib markii shaki weyni ka galay qaabka ay wax wadaan xubno ka tirsan Shirkadda HASS oo Hargeysa fadhigoodu yahay.

Inta badan dadweynaha deegaanka Laascaanood,  ayaa isku raacsan dedaalkii Gudoomiyaha Shirkadda HASS, Mudane Cabdinaasir uu gelin jirey horumarinta arrimaha bulshada inay si weyn u wiiqeen ololayaasha u gaarka ah ee ay Maamulayaasha Shirkadda ee Somaliland ku beegsadaan hawlo kale oo salka ku haya dano siyaasadeed, iyadoo maanka lagu wada hayo   tan iyo intii uu Maamulaha noqday Wasiirkii hore ee  xilka ka hayey xukuumadda madaxweyne Siilaaanyo ay shirkadda HASS u xuubsiibatay gole siyaasadeed, taasina keentay inay sahayato dardar gelintii Dhismaha Dugsiga Hoyga Laascaanood.

Dhinaca kale xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo kamid ah mudanayaasha kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ka dayriyey ballan-darrada hay’adda Care iyo weliba shirkadda HASS, waxana uu ku baaqay in meesha laga saaro caqabadaha la hor dhigay guddoomiyaha shirkadda ballanta, “Dhibaatada hadda taagan waanu dareemaynaa care baana ballan qaadday inay dugsigaas samayso, laakiin dib bay uga guratay, waxana ku hadhay shirkaddii oo kali ah guddoomiyuhuna niyad wanaag buu muujiyey, annaguna waxanu jecelahay in ballanta la fuliyo.Caqabadaha la or dhigay hawashii uu cabdinaasir u qaban jirey deegaankana dadka faraha kula jira faraha  hakala baxaan, siyaasaddana anngaa siyaasiyiin ah oo kufilane cidda dhaqaalaha haysa waxanu uga baahanay inay arrimaha bulshada usoo jeestaan. Dadka deegaanka iyo  shirkaddana yaan la kala dhex gelin.” Ayuu yidhi xildhibaan Sicii Maxamed Cilmi.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray, “xafiiska Hargeysa waa inuu dhammaan deegaanada kale ee Reer Somaliland uu ka shaqeeyaa, waayo shirkaddu waa shirkad weyn oo somaliland oo dhan ku filaan lahayd haddii loo gacan banneeyo guddoomiyaha guud ee shirkadda.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews