berberatoday.com
Wasiir Faratoon Oo Farta Ku Fiiqay Caqabadaha Uu La Kulmay Muddadii Uu Wasaaradda Daakhiliga Joogay
October 5, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiirka ka Arimaha Gudauhu Waxaa Uu Jawaab Ka Bixiyey Eedaymo Xukuumadda Uga Yimi Xubnaha Madasha Wadatashiga

faratoonHargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arimaha gudaha somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay eedaymo xukuumada uga yimid siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland. Wasiir Faratoon oo shalay waraysi siiyey weriye Bedri Koosaar Maxamuud oo STAR Tv ka tirsan ayaa sheegay inaan loo baahnayn mucaaridnimo wax duminaysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Mucaaradnimadu maaha qas, nabad galyo xumo iyo xasilooni la’aan in la abuuro, mucaaridnimadu waxa weeyaan in si wax dhisaysa oo miisaan leh oo rayigaaga ayaad ku gudbin karto wixii khaladaad aad u aragto aad dawlada ku dhaliilayso ku sheegi karto, mana aha macnaheedu inaad dalkaaga iyo dadweynahaaga aad xasilooni daro iyo dhibaato ku rido, taasina waa nasiib daro iyo xilkasnimo la,aan mucaaridnimana maaha, siyaasadna maaha fikir aad dadka ku qancin kartana maaha laakiin waa mid xasilooni daro iyo qas abuuraysa.”ayuu yidhi wasiir Faratoon.  Sidoo kale wasiir Faratoon ayaa ka hadlay caqabado badan oo la soo darsay markii loo magacaabay xilka wasiirka arimaha gudaha somaliland waxaanu yidhi “Amuuruhu way isku soo beegmaan  anigu uma haysto kuwa aniga I sugayey ama aniga laygu tala galay inay ahaayeen, kuwo sidooda u dhacay oo isku soo beegmay ayuunbaan u arkaa, dhamaan arimihii dhacayna waanu ka hawl galnay meel wanaagsana way wada marayaan, kuwo dhamaaday way jiraan kuwo lagu dhex jiro oo meel fiican marayaana way jiraan.” Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha somaliland ayaa ka hadlay diwaan gelintii ka dhacday wadanka, waxaanu sheegay in gobolada dalka layskaga diwaan geliyey si fiican “Diwaan gelintii ugu balaadhnayd ayaa dalka ka dhacday, tiradii ugu badnayd ee dadkana waa la diwaan geliyey waxaanan filaynaa inay ka soo bixi doonto tiro aad u saraysa dadka is diwaangeliyey, way jireen gobolada qaar inaan la siin wacyi gelin ku filan iyo wakhti fiican, waanay jireen inay gobolada qaarkood diwaan gelintu kaga beegantay wakhti aad u adag oo abaaro jireen iyada oo dhibaatadaasi jirtay ayaa hadana waxa la filayaa in tiro aad uga badan tiradii dadkii hore isku diwaan gelin jiray inay is diwaan geliyeen.” Ugu danbayna wasiir Faratoon ayaa fariin u diray shacabka somaliland waxaanu yidhi “Somaliland waxay ku caano maashay waa nabad galyo, xasilooni iyo deganaansho taas ayaana horu mar lagu dhaadhi karaa, waxaanan dadka u soo jeedinayaa in nabad galyada, ganacsiga furan, isku socodka iyo isku soo dhawaynta lagu nagaado.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews