Hogaamiyayaasha Dalalka Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Furay Jid Tareen Oo Labada dalka Ukala Adeegi Doona
October 6, 2016 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Jidkii Taareenka ugu horreeyay ee koronto ku shaqeynaya ee qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ku ordi doonaa xawaare gaadhaya 120 KM saacaddii, isagoo waqtigii safarka ee labada caasimadood dhexdooda ka dhigaya wax ka yar maalin nuskeed. Waxay markii hore alaabooyinka ku qaadan jirtay muddo saddex maalmood ah waddada baabuurta dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
