Lix Qof Oo Isku Qoys Ah Ayaa Dhintey Ka Dib Madfac Ku Dhacay Guri Ay Daganayeen
October 6, 2016 - Written by Berbera Today
Soomaaliya(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in lix qof oo isku qoys ah ay dhinteen ka dib markii xalay uu madfac ku dhacay guri ay daganaayeen.

Guriga ayaa ku yaalla tuulo la yiraahdo Faranga oo u dhaxysa deegaanada Buufow iyo Janaale.