berberatoday.com
Siyaasiyiin Xirsi Cali X.Xasan iyo Maxamed Biixi Yoonis oo Ka Hadlay Ku Biiristooda Waddani
October 6, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com):-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr.Maxamed Biixi Yoonis oo sida kale na ka mid ah siyaasiyiintii ku bahoobay Isbahaysiga KULMIYE oo maalintii shalay ku biiray Xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay, sida uu u arko ku biirista ay ku biireen Xisbiga WADDANI iyo weli ba mabaadiida guud ee ay labada dhinac ba ku heshiiyeen.
Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hadalkan ka sheegay in waraysi gaara oo uu maanta siiyey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC –da, waxaana uu sida oo kale uu ka dhawaajiyey in hankiisu uu yahay in uu Madaxweyne ka noqdo dalka balse aanu u ordeyn kuraas iyo xilal toona.
“Waxa nagu kalifay in aanu soo galno oo aanu ku biirno Xisbiga WADDANI, annaga oo ku heshiinay Mabaadii’ guud oo ah kuwii aanu aaminsanayn oo ay ka mid yihiin sharciga in la illaaliyo, in hantida umadda la dhowro, in dastuurka wax laga bedelo iyo weliba Mabbaadii kale oo fara badan oo ah kuwa aanu aaminsanahay ah in wadanka lagu bedelo ay na gula waafaqeen oo ay nagu la heshiiyeen awgeed baanu maanta u soo galnay WADDANI, waxaana aanu u aragnaa in uu yahay Xisbi aanu meteli karno, Xisbi aanu wax kaga qaban karayno marxaladda uu dalku ku jiro iyo weliba Xisbi badbaadin kara guud ahaan Qaranka Somaliland.”.Ayuu yidhi Maxamed Biixi
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda sida oo kale na ah siyaasi ka tirsan Xisbiga WADDANI Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi:
“Dawladda ka mid baanu ahayn run ahaantii, halkanna uma fadhino in aanu dawladdii aanu ka mid ka ahayn aanu ku dhaleecayno, waxa se aanu caddeynaynaa uun in waxa annaga iyo WADDANI isku kaayo keenay ay yihiin Mabbaadii’, Kuraasidu qiimo ma leh, anigu Madaxweyne ayaan u cararayey, kursi aan Madaxweyne ahayna ma rabo, waxa se aanu ku heshiinay in mabaadiida aanu dooneyno iyo sida aanu dooneyno aanu u maamulno Xisbiga WADDANI.”.

Siyaasi Xirsi Cali X.Xasan oo Markii ugu Horreysay Ka Hadlay Xilka uu Ka Qaban Doono Xisbiga WADDANI
“Qaab-dhismeedka in Ay Xisbiyaddu Bedelaan oo Hannaan Maamul oo Kala Duwan La Sameeyaa Waa Wax Aduunka Ka Jirta.”. Xirsi Cali X.Xasan

Hargeysa():-Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii Isbahaysiga ee ku biiray Xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay sida uu u arko ku biirista Xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale xil ku cusub siyaasadda Somaliland oo la sheegay in loo magacaabayo oo muran ka dhex dhaliyey bulshada reer Somaliland kaasi oo ah in loo magacaabayo Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.
Xirsi Cali X.Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay Xisbiga WADDANI ku heshiiyeen siddii loo wada dhisan lahaa Xisbiga WADDANI.
“Qaabdhismeedka Xisbiga iyo hannaanka Maamul ee loo bedeli karo iyo weli ba sida loo horumarin karo, sida oo kale shaqada iyo wada shaqeynta iyo barnaamijka la wada iibin karo ee dadka iyo bulshada loo bandhigi karo in aanu wax iska weydiino, way nala waafaqeen waxaas oodhan, waana aanu soo bandhigi doonaa wakhtigeeda.”.Ayuu yidhi Xirsi
Md.Xirsi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Horta Illaahay baa awood leh, Xisbi guna waxa uu lee yahay qaab dhismeed, annagu na runtii qaabdhismeedkii hore u jiray iyo mid kale oo ay ku dareen ba waanu isla waafaqnay, waana aanu la qaadanay, qaabdhismeedka in ay Xisbiyaddu bedelaan oo hannaan maamul oo kala duwan la sameeyaa waa wax aduunka ka jirta, oggolaanshiyahiisana waxa lagu caddeyn doonaa Golaha Dhaxe ee WADDANI, laakiinse waa wax jira oo dunida oo dhanna laga yaqaano, ma jiro tartan iyo is-garbin naga dhaxeeya Xisbiga e’ waxa aanu doonaynaa in aanu awoodahayaga aanu isku darno oo aanu dhammaantayo wada adkaano ee aanan kala adkaan. “.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews