Tacsi Kuso Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir Oo Hooyadii Hargeysa Ku Geeriyootay
October 6, 2016 - Written by Berbera Today
TACSI
Innaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, waxaanu halkan tacsi uga dirayaa Hadii aanu nahay Bahda shabakada wararka Berberatoday.com Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal MD Muuse Faarax Jaambiir oo Hooyadii Deeqa Xuseen Naaleeye ay maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeisa, iyada labada cisho ee u dabayay Ujiiftay xanuun kusoo booday.waxaana la aasi doonaa Marxuumada maalinta beriya 9;00 subaxnimo insha Allaah , waxanan tacsidan u dirayaa eheladii, qarabadii iyo weliba Muuse Jaambiir Iyo dhamaan Qoyska Reer Faarax Jaambiir ee ay Marxuumadi ka baxday, waxanan leeyahay ilahay samir iyo Iimaan ha inaga siiyo, marxuumadana, waxaan Eebe uga baryayaa inuu ilahay dambigeeda dhaafo janooyinkiisa naciimka ahna ugu deeqo , Aamiin Aamiin Aamiin, Innaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun