Abaar Iyo Oomane Dad Ku Laayey Puntland Iyo Roobab Khasaare Ka Geystay Somaliland
October 7, 2016 - Written by Berbera Today
Eyl/Putland(Berberatoday.com)-Gabadh yar oo Toddoba Jir, ah ayaa Biyo la’aan ugu Dhimatay Deegaanka Dhuumoodle oo 40 KM dhinaca Galbeed ka xigta degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ee Dalka Somaliya.
Gabadha Yar ee Geeriyootay oo magaceeda la odhan jiray Xaliimo Xasan Faarax ayaa xildhibaanada Degmada Eyl oo tagay deegaankaasi sheegeen in ay u dhimatay Haraad, kadib markii ay wayday Biyo ay cabto, maaddaama ay dhulkaasi ka jiraan Abaaro baahsan oo sababay in dhulkii laga waayo Biyo iyo Baad.
Xildhibaan Hirad Maxamed Aw-Muuse oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Eyl oo tagay tuullooyinka Abaaro ka dhaceen ee Gabadha yari ku dhimatay ayaa sheegay in xoolihii deegaankaasi joogay ay madheen isla-markaana ay Abaartu saameyn xoogan ku yeelatay dadkii oo qaarkood u dhinteen abaarta jirta awgeed.