berberatoday.com
Abaar Iyo Oomane Dad Ku Laayey Puntland Iyo Roobab Khasaare Ka Geystay Somaliland
October 7, 2016 - Written by Berbera Today

Eyl/Putland(Berberatoday.com)-Gabadh yar oo Toddoba Jir, ah ayaa Biyo la’aan ugu  Dhimatay  Deegaanka Dhuumoodle oo 40 KM dhinaca Galbeed ka xigta  degmada Eyl  ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ee Dalka Somaliya.

Gabadha Yar ee Geeriyootay oo magaceeda la odhan jiray Xaliimo Xasan Faarax ayaa xildhibaanada Degmada Eyl oo tagay deegaankaasi sheegeen in ay u dhimatay Haraad, kadib markii ay wayday Biyo ay cabto, maaddaama ay dhulkaasi ka jiraan Abaaro baahsan oo sababay in dhulkii laga waayo Biyo iyo Baad.

Xildhibaan Hirad Maxamed Aw-Muuse oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Eyl oo tagay tuullooyinka Abaaro ka dhaceen ee Gabadha yari ku dhimatay ayaa sheegay in xoolihii deegaankaasi joogay ay madheen isla-markaana ay Abaartu saameyn xoogan ku yeelatay dadkii oo qaarkood u dhinteen abaarta jirta awgeed.

“Meesha maanaan gelin oo Baabuurta ayaan gali karayn, laakiin waxaa naloo sheegay in Gabadh yari u dhimatay Biyo la’aan, markii ay wayday wax ay cabto”Ayuu yidhi Xildhibaan Hirad oo ka tirsan Golaha deegaan Degmada Eyl.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa  beesha caalamku ugu baaqay inay caawimo u fidiyaan dadkaasi abaaraha wax ku noqday, “Cllimada ku xeel dheer deegaanku waxay sheegayaan inay abaartu sii jiri doonto oo aanu roob di’i doonin, Markaa beesha  Caalamka iyo ganacsatada Puntland waxaa ka codsanaynaa inay dadkaasi soo caawiyaan” Ayuu yidhi Cabdiweli Cali Gaas.

Dhinaca kale, Deegaano ka tirsan Gobolka Saaxil ee Somaliland waxaa ka da’ay roobab waxyeelo soo gaadhsiiyay xoolihii ku noolaa deegaanadaasi, kadib markii roobab duufaano wataa ay ka da’een deegaannada Buurta Gacan Libaax ka mid tahay.

Boqollaal Neefaf ah ayaa ku bakhtiyey Roobabkaasi, iyadoo la sheegayo in xoolahaasi ay markii hore la taag darnaayeen abaaro ka jira deegaankaas.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo Shalay  Kormeer ku tagay Deegaanada Xooolaha badan roobku ku dilay ayaa sheegay in roobabkaasi ay khasaare u gaysteen xoolihii ay dhaqan jireen bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil, isagoo carabbaabay in Xoolihii ay haysteen Dadka ku dhaqan deegaanka Buurta Gacan libaax ay le’adeen, sidaa daraadeed wuxuu ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka caydhoobay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews