Boqollaal Qof Oo Ku Dhintay Duufaanta Ku Dhufatay Dalka Haiti Iyo Gobolo Maraykanka Ku Yaala Oo Looga Cabsi Qabo Iyo Madaxwayne Obama Oo Ku Dhawaaqay Xaalad Deg Deg Ah
October 7, 2016 - Written by Berbera Today
Haiti(Berberatoday.com)-Waxaa soo baxaya muuqaalo musiibo ay ka muuqdaan, Kaddib markii gacanka Koofur Galbeed ee Haiti ay ku dhufatay duufaanta Hurricane laba maalmood ka hor.
Dowladda Haiti waxa ay sheegeysaa in tirada dhimashada hadda ay ka badan tahay 300 oo qof.Hay’adaha gargaarka waxa ay sheegayaan in gacanka magaalada ugu weyn ee Jeremie, ay intabadan burburtay.Boqolkiiba 80 dhismayaasha ayaa waxaa qaaday daadadka ka dhashay roob xoog badan oo halkaasi ka da’ay iyo dabeysha.