berberatoday.com
Ciidammada La Dagaalanka Argagixisada Ee RRU Oo Hawl-gallo Ay Ka Sameeyeen Laascaanood Ku Qab-qabtay Dad Macalimiin Ku Jiraan
October 7, 2016 - Written by Berbera Today

Magaca Macalin Ka Mid Ah Dadka Hawl-galkan Lagu Soo Qabtay Oo Eheladiisu Dibad-bax Ka Sameeyeen Degmada Xuddun

Laascaanood(Berberatoday.com)-Ciidammada la dagaalanka Argagixisada Somaliland ee loo yaqaanno RRU, ayaa hawl-gallo ay habeennadii u dambeeyay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku qab-qabtay dhowr Qof.

Ciidammada RRU-da oo sida la weriyey xilli habeennimo guryahooda ugu daatay qaar ka mid ah Dadka Hawl-galkan lagu soo qabtay, ayaa dhammaan Dadkii ay qab-qabteen u soo gudbiyey Magaalada Hargeysa, sida ay ku warrameen War-fidiyeennada ku sugan Laascaanood.

Lama oga sababta loo qab-qabtay Dadkan oo qaarkood Macalimiin ka yihiin Laascaanood, laamaha Ammaankuna weli wax War ah kama soo saarin, laakiin qaar ka mid ah Ehelada Dadka Hawl-galkaa lagu soo xidhay oo Dibad-bax doraad ka dhigay Magaalada Xuddun ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqay in Dadkaa Xorriyaddooda loo soo celiyo.

“Raggan sida Adhi Daabax ah habeenba Nin lala baxayo, ee uu ka mid yahay Mustafe Cali Faarax oo Laascaanood Iskuul ka dhigayey oo korsanayey toban Carruur ah oo aan is-dhaamin, Xisbi siyaasadeed aan ku jirin, Xisbi Diineedna aan ku jirin wax alaale iyo wax loo xidhay ma ogin.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadka dibad-baxa ka sameeyay Xuddun, waxaanu intaa ku daray, “Ragga Awalba waa la xidhi jiray, laakiin tiisu (Xadhigga Mustafe Cali Faarax) waa Afduub. Markaa haddaan si deg-deg ah loo soo deynin isaga iyo Raggaa kale waxaanu leenahay Nin la Afduubaa Nin la afduubo ayuu leeyahay.”

Nin kale oo ka mid ahaa Dadka dibad-baxa sameeyay, ayaa yidhi, “Ma garanaynno sababta loo xidhay Macalinkii danyarta ahaa ee wax ka dhigayey iskuulka ee Mustafe Cali Faarax.”

Lama oga Sababta loo qab-qabtay Dadkan oo aan Tiradooda la sugin, laakiin Hawl-gallada Ciidammada RRU-du fuliyaan ayaa ah kuwo lagaga hor-tago Dambiyada waaweyn ee amniga Dalka waxyeeli kara, sida falalka Argagixisadu la damacdo inay Somaliland ka geystaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews