berberatoday.com
Dagaal Sababay Khasare Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo
October 7, 2016 - Written by Berbera Today

cidanGaalkacayo(Berberatoday.com)-Dagaal culus ayaa waaberigii hore ee maanta ka qarxay meel ku dhaw Kontroolka Galbeed ee Magaaladda  Galkacayo,  kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Galmudug ay weerar ku soo qaadeen goob laga dhisayay maxjarka cafimaadka xoolaha ee Gaalkacayo.

Ugu yaraan 7 qof  ayaa  ku geeriyootay dagaalkaas, tiro intaa ka badan oo dhaawac ah ayaa la geeyay cusbitaalka Galkacayo sida ay Horseed media u sheegeen dad xog ogaal ah oo ku sugan magaaladda Galkacayo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in  dagaalku uu weli ka socda qaybo ka mid ah xaafadda Garsoor , oo inta badan magaaladda laga maqlayo dhawaqa hubka culus iyo Midka fudud oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Puntland iyo maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin sabaha dhaliyay dagaalka Galkacayo  iyo khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee goobta dagaalku uu ka dhacay ayaa ahayd meel loogu talagalay in laga dhiso maxjar xoolaha lagu xanaaneeyo, islamarkaana lagu kala wareejiyo xoolaha  laga keeno koonfurta iyo Bbrtamaha Soomaaliya.

Dadaalo ay wadaan waxgaradka Puntland iyo Galmudug ayaa ka socda magaalada oo lagu qaboojinayo xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada, waxaana goobtii uu ka dhacay dagaalka laga maqlayaa rasaas goos-goos ah.

 

 

Xigasho Horseedmadia.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews