berberatoday.com
“Dulmi Kama Gubtaan Oo Shacbigu Way Guracan Yiine. Guulwadaha Mooyee Ma Jiro Geesi Taliyaaye”Waa gabayga Gawdhgawdh Iyo Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
October 7, 2016 - Written by Berbera Today

Abwaan XiisBerbera(Berberatoday.com)-GAWDH GAWDH Gabayga gawdh waxaa curiyay abwaan xiis maxamed cilmi ( shanfool ) Wuxuu soo baxay 01.October.2016, Wuxuu kaga hadlayaa xaaladaha khatareed ee mararka qaar ay keento quud raadsashada nooluhu. Waxaa kaloo uu si guud uga hadlayaa wacyiga nololeed ee dabiiciga ah Isagoo talooyin dhaxal gal ah siinaya aadmiga balse aan cid gaara duraynin wuxuu yidhi”

Gabay shilis beryahan ina mirroow waan ka gaabsadaye.

Maansooyin iyo maan gurgurin tix & geeraare.

Gaadh culus sidii lay dul furay gaardis maan dhigine.

Iyadoo gadoon layga dhigay aniga ii gaar ah.

Ma gurmado dadweynuhu xaqana uma garaabaane.

Dulmi kama gubtaan oo shacbigu way guracan yiine.

Guul wadaha mooyee ma jiro geesi taliyaaye.

Isku gee dhamaanoo dhibtaan guudka ka asteeyay.

Waa waxan guhaan uga da’ furay amase googoose.

Anigoon guyaal badan hashii gorof usoo qaadan.

Bal inay gudhaan eegayaa gaaxso maan rabine.

Dhaqayada gujada bal an ku dayo go’bo inay dhiiqdo.

Afartaa galoofta intoon arar ku gawdh gawdhay.

Hayaankayga geediga xorta ah xadhiga maw giijay.

Ratigoo galgalimaysi raba gegada maw diiday.

Gucun awrka heeryada miyaan bayd ku kala gooyay.

Gaadiid hayina-baan wataa gibisha diidayne.

Nin garaad leh & maw ban dhigay guurti hadalkayga.

Ulajeedadiyo maw ged baxay gacan togaalaynta.

Giftin dhagaxa haadaamo go,an gebina hooseeyo.

Gorgor fuushan yey gaadaayoo guudka ka arkaaya.

Go,aankiisu waa inu qabtuu cuno galaydh-kaase.

Wuxu soo gurguurtaba markuu geesta kaga booday.

Gabashada dareenyoo ka duul haadki gaadmada’e.

Shimbir gawska bahal inu dhigiyo geeri waw halise.

God khatara Dugaaguna ku sigay goofka dhagareede.

Labaduba gadaan Dhimasho taal goortan waw halise.

Mar marbay gasiin doonashadu iil ku galisaaye.

Gorfayn xaajadaan laga samayn guusha kala dheere.

Waxa taa gedeeda ah wakhtigan xaalka garab yaale.

Marbay godob siyaasadi dhashaa kiisas aan go,ine,

Gardaradu qof aad jeceshahay madaxa goysaaye.

Mar haddii samaha laga goblamo gacal shaqayn waaye.

Haka dhigan bulshada gooli baadh guudka laga shiisho.

Guutooyin xoog lihi haday libinta cid gaadhsiiso.

Imisay maleeshiyo gembiday dowlad wada guuna.

Qaniinyadaba Godaadaduu geel la ololaaye.

Haku noqon hantida sida gafane gororsha dhiigooda.

 

Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)

Berbera/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews