Hargeysa: Dhibaatada Muranka Dhulka Oo Sababtay Geeri Naxdin Leh Kadib Markii Nin Dhallinyaro Ahi Si Kama Ah Aabihii Rasaas Qudha Ugaga Jaray
October 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Muran ka dhashay dhul la isku haystay, ayaa sababay in wiil dhallinyaro ahi uu aabihii rasaas ku dilo, isla-markaana ku dhaawaco nin kale oo la sheegay inuu ahaa shakhsiga uu muranka dhulka ahi ka dhexeeyey.
Dilkan oo ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa sida warku sheegayo yimi kadib markii ay si kedis ah iskugu soo baxeen wiilka dilka geystay oo aanaan weli magiciisa helin iyo ninka dhaawaca ah oo ay dhul ku muransanaayeen qoyska wiilka dilka lagu eedaynayaa kasoo jeeday, waxana uu wiilku rasaas uu furay keentay inuu dhaawacmo ninka ay is hayeen.