berberatoday.com
Magacyada Wasiirradii Ugu Tirada Badnaa Abid Oo Waftiga Madaxweyne Siilaayo Raacay Iyo Xafiisyadoodii Oo Haawanaya + Farriinta Masuuliyad Darro Ee Ay Ka Turjumayso Dayacaddani
October 7, 2016 - Written by Berbera Today
wasiirada-safarlaHargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiraddii ugu Tirada Badnaa Abid ee Somaliland ka baxa ayaa raacay Safarka Madaxweyne Siilaanyo ugu maqan yahay Qaaradda Yurub,iyadoo ay Haawanayaan Xafiisyadii Iyo Masuuliyadii Ay Qaranka u xilsaarnaayeen,Waxaanay arintani muujinaysaa Dabacsanaanta Maamul iyo Hogaamin Xumida Dalka Ku Habsatay,iyadoo si weyn wax la iskaga waydiinayo sababta Kaliftay in Mar qudha ay dalka ka baxaan Wasiiro tiradoodu intaasi leeg tahay oo ay Waliba raacaan Waftiga Madaxweynaha,oo isagu ah Masuulkii la Xisaabtami lahaa.Inkasta oo ay Koox Wasiiro ahi markii hore Madaxweynaha ka raaceen Madaarka Cigaalee Magaaladda Hargeysa,haddana waxa laba cisho ka dib kadaba baxay koox kale oo wasiiro ah kuwaasi oo dhamaantoodu u raacay Waftiga Madaxweyne Qaaradda Yurub oo uu illaa hadda ku maqan yahay.
 
 Waa Wasiiradii ugu tirada Badnaa intii ay Somaliland jirtay ee Wafti Madaxweyne Raaca,islamarkaana si badheedh ah u dayaca masuuliyadii ay Qaranka u hayeen. Waxa gabi ahaanba si weyn looga dareemayaa Maqnaanshiyaha Wasiiradani Xafiisyadoodii oo Haawanaya,waxaanay Arintaasi muujinaysaa la xisaabtan la’aan iyo Hogaamin Xumo dalka ka taagan oo sababtay in Marqudha Wasiiro tiro intaasi leegi iskaga baxaan Dalka oo ay Qurbaha u Shaxaad Tagaan,iyadoo waliba uu la socdo Madaxweynihii dhamaa ee Dalka ee iyaga macaabay,lana Rabay inuu la xisaabtamo Wasiirada.
Tiradda iyo Magacyada Wasiiradda Raacay Waftiga Madaxweynahay ayaa waxa ay kala yihiin ; Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Daahir Cukuse,Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Sacad Cali Shire,Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye),Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe),Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac,Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil,Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe
Waxa kale oo isna la sheegay inuu Maqan yahay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane oo la sheegay inaanu isagu raacin Waftiga Madaxweynaha balse uu Xafiiskiisa uga Maqan yahay Dano kale oo isaga khaas u ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalinba maalinta ka dambaysa cagaha la sii galaysa Ceebo iyo Fadeexado Maamul Xumo oo hor leh.
Xigasho wargayska; Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews