berberatoday.com
Sirta Ku Duugan Sababta Dalka Shiinuhu Dameeraha Uga Soo Iibsanayo Daafaha Adduunka Oo La Ogaaday Iyo Arrimo Aanad Rumaysan Karin Oo Uu U Isticmaalayo!!
October 7, 2016 - Written by Berbera Today
Sirta Ku Duugan Sababta Dalka  Shiinuhu Dameeraha Uga Soo Iibsanayo Daafaha Adduunka Oo La  Ogaaday Iyo Arrimo Aanad Rumaysan Karin Oo Uu U Isticmaalayo!!

Dhawaan ayay ahayd markii ay si rasmi ah u soo shaac baxday olole ballaadhan oo waddanka Shiinuhu adduunka kaga urursanayo kagana soo iibsanayo dameeraha kadib markii warbixino laga diyaariyey arrintaa lagu ogaaday in labadii sano ee ugu dambeeyey waddanka Shiinuhu Kumannaan Kun oo dameer uu daafaha dunida ka soo iibsaday, taasi oo imika la ogaaday ujeedada dhabta ah ee uu ka leeyahay iibka Dameeraha.
5dfa9985-a3ab-40ec-b36e-33afd777cb8e
Wararka ka imanaya dalka Shiinaha ayaa sheegaya in ujeedada dalkaasi ka leeyahay soo iibsashada xayawaanka dameeruhu ay tahay isaga oo ka samaynaya walxo dhinaca daawooyinka ah, kiriimo la isku qurxiyo iyo walxo laga diyaarinayo hargaha dameeraha sida boorsooyinka wax lagu qaato, suumanka la xidho, kabaha iyo arrimo kale oo badan. Iyada oo Arrinka layaabka lihi uu yahay in dalkaasi qaybo ka mid ah xaydha, hilibka iyo lafaha dameeraha uu ka samaynayo maaddooyin laga diyaariyey daawooyin lagula tacaalayo daaweynta xanuunnada wareegga dhiigga, caadada haweenka, iyo lafo xanuunka joogtada ah iyada oo uu ku guulaystay tijaabooyin uu daawooyinkaasi ku wadday muddo sannado ah. Sidoo kale waxa ka mid ah daawooyinka uu u isticmaalayo walxaha laga soo saaro dameeraha ka mid ah daawooyin lagula tacaalayo xoojinta iyo firfircooni galinta wareegga dhiiigga, la dagaalanka dhiig baxa iyo dhiig la’aanta.
ceec25b6-921a-416a-b4d6-72580574cda2
Sida uu ku soo warramayo wargeyska The Independent ee dalka Ingiriiska oo warbixintan aannu ka soo xiganay, shiinaha ayaa labadii sano ee ugu dambeeeyey dalkiisa u soo dhoofiyey dunidana ka soo iibsaday in ka badan 3-Milyan oo Dameer, kuwaasi oo intooda ugu badan laga soo dhoofiyey dalalka Galbeedka Afrika iyada oo warbixintani xusayso in dalka Shiinaha uu gabaabsi ku noqday xayawaanka Dameerku kadib sannado badan oo uu ujeedooyin fara badan u isticmaalayay.
6089d1b7-7333-47bc-a28d-423330117cb3_16x9_600x338
Shabakadda warbaahinat ee CNN ayaa iyana sheegaysa in hoos u dhaca ku yimid tirada dameeraha waddanka Shiinuhu gaadhay in ay dalkaasi ku soo hadhaan wax aan ka badnayn 6-Milyan oo Dameer iyada oo shan sano ka hor ay dalkaasi ku noolaayeen in ka badan 11 Milyan oo Dameer taasina ay ka dhalatay markii si weyn loo farsameeyey walxaha kala duwan ee xubnaha Dameeraha sida Qoobabka Dameeraha, Haragiisa, Hilibkiisa, Caanihiisa iyo Sayntiisa iyada oo warbixintan lagu sheegay in dalka Niger oo kali ah sannadkan 2016 uu Shiinuhu ka soo dhoofsaday in ka badan 80-kun oo dameer. Waxa xusid mudan in dalalka Niger iyo Burkina Faso ay ku yaallaan warshado Shiinuhu leeyahay oo haragga lagaga saaro dameeraha loona dhoofiyo dalka Shiinaha. Sidoo kale waxa isna suuqa dameeraha ee xaammiga ah soo galaya dalka Japan oo isna arrimo badan u adeegsan doona dameeraha.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews