berberatoday.com
Ujeedada Kulan Qarsoodi Ah Oo Faysal Cali Waraabe Iyo Xubno Ka Socda Dawladda Xamar Ku Dhex-Maray Saacadihii Lasoo Dhaafay Dalka Jabuuti
October 7, 2016 - Written by Berbera Today
Ujeedada Kulan Qarsoodi Ah Oo Faysal Cali Waraabe Iyo Xubno Ka Socda Dawladda Soomaaliya Ku Dhex-Maray Saacadihii Lasoo Dhaafay Dalka Jabuuti

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Injineer Faysal Cali Xuseen Waraabe ayaa la sheegay in uu dorraad gaadhay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda jabuuti, waxaana wararku sheegayaan in uu halkaa kulan qarsoodi ah kula yeeshay xubno wasiirro oo ka socda dhinaca dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ka fadhigiisu yahay Villa Soomaaliya.
Wararka laga helayo Magaalada Jabuuti ayaa tibaaxaya in kulankan labada dhinac uu ka dhacay Huteel Sharton ,islamarkaana muhiimadiisu la xidhiidho sidii Guddoomiye Faysal uga shaqayn lahaa sidii xukuumada Somaliland gacan u siin lahayd doorashada Xasan sheekh ,sidoo kalena ay gacan uga gaysan lahaayeen xulista xubnaha Somaliland uga mid noqon doona Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay inuu kulan kaas uu ku wehelinayay Ambasador Xuseen Cali Ducaale (Cawil),viyadoo xoguhu sheegayaan in maalmaha soo soo socda xubno Wasiirro Somaliland ahi u kicitimi doonaan Jabuuti si ay u xoojiyaan hawlaha Guddoomiye Faysal Cali Waraabe u igmatay Xukuumaddu ee la xidhidhiidha dhinaca arrimaha Soomaliya. Xubnaha ka socoda dhinaca Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay horkacayaan Maareeyaha Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Dekadaha Nuur Faarax Shirdoon, illaa haddana lama oga xogaha dhabta ah ee labadan dhinac ka wada hadleen balse guddoomiye Faysal ayaa hore madaxtooyada dhexdeeda uga sheegay in loo bahaan yahay in Somaliland kaalin ka qaadato Doorashooyinka Soomaaliya, taas oo la tuhun sanyahay in xukuumadda Siilaanyo hoosta ka dirtay Faysal si uu qorsheyaal uga soo fuliyo sidii uu horena xidhiidho gaar ah ugu sameeyey xukuumadda iyo Maamulka Muqdisho marar dhawr ah oo dano isaga xidhmeen. Geesta Kale, Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo werwer weyn ka qabta musharaxa kula tartamaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa taageero ka doonayasa dhinaca Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti. Illaa imika lama oga arrimaha dhabta ah ee kale ee ay ka wada xaajonayaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha ka socda maamulka Villa Soomaaliya ee dalka Soomaaliya ee wakhtigan ku wada sugan dalka Jabuuti.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews