berberatoday.com
Xoghayaha Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda WADDANI Oo Shaaciyey Inuu U Taagan Yahay Guddoomiye-nimada Xisbigaas & Xaflad Xalay Loo Qabtay
October 7, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaan bulshada Somaliland la wadaagayaa hankayga iyo damaca aan ka qabo hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani…” Ibraahim Daahir Dubbad

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ibraahin Daahir Dubad oo ah Xoghayaha Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Xisbiga WADDANI, ayaa shaaciyey inuu u tartamayo Guddoomiyenimada Xisbigaas.

Munaasibad lagu taageerayey Musharraxnimada Siyaasigan oo Xalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, siyaasiyiin, aqoonyahan, Cuqaal, Waxgarad, haween iyo marti sharaf kale.

Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad oo ka hadlay munaasibadan ayaa si rasmiya u sheegay inuu u sharraxan yahay Guddoomiye-nimada xisbiga Waddani “Caawa oo bishu tahay 05/10/2016 (Xalay) waxaan bulshada Somaliland la wadaagayaa hankayga iyo damaca aan ka qabo hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, go,aankan waxaan gaadhay ka dib markii aan la tashaday salaadiinta, cuqaasha, ganacsatada iyo saaxiibadayda siyaasadda taas oo aan doonayo inaan hoggaamiyo xisbiga Waddani, haddii aan ku guulaysto hoggaanka xisbiga, waxaan dareensanahay inaan aqoon badan, xirfado badan iyo waaya aragnimo badan ku soo kordhin doono xisbiga Waddani, kuwaas oo aan ka  soo bartay waddamadii aan mudada ka shaqaynayey.”

Siyaasigan oo Dhallinyaro ah, ayaa isagoo hadalkiisa sii wata baaq u diray dhallinyarada, “Waxaan dhalinyarada ku bogaadinaynaa inay waddanka u soo jeedsadaan oo ay ka qayb galaan hoggaaminta waddanka, waxaanan aaminsanahay haddii dhalinyaradu hoggaanka waddanka qabtaa inaynu soo dhacsan karno ictiraafkeena.”ayuu yidhi Musharruxu.

Milgo Maxamed Cilmi oo ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ka hadashay munaasibadan ayaa iyaduna si adag u beenisay inaanay jirin cid gaar ah loo gartay Guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxaanay sheegtay in kursiga hoggaanka xisbiga Waddani la siiyey beelaha Gobollada Hawd Iyo Hargeysa.

Gudoomiyaha Garabka haweenka xisbiga Waddani ee gobolka Maroodi Jeex Hinda Xasan Idiris oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa soo dhawaysay hanka uu Ibraahin Daahir Dubad ku doonayo inuu noqdo hoggaanka xisbiga Waddani.

Xoghayaha difaaca ee xisbiga Waddani Khadar Cismaan Cilmi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada Ibraahin Daahir Dubad waxaanu yidhi “Anaga oo ka duulayna wada tashiga iyo wax wada qabsiga, qaybaha kale ee bulshadana la tashi badan la samaynay, waxaanu aad u soo dhawaynaynaa musharaxnimada Ibraahin Daahir Dubad oo loo arko nin maanta wax  weyn ku soo kordhin kara xisbiga Waddani, xisbiguna waa dimuqraadi oo dhexdiisa waa laga tartamayaa waxaanan rajaynaynaa inay iska soo dhamaan doonto ololaha loogu jiro kuraasta qaarkood, waxaynu iftiiminaynaa sida aynu diyaarka ugu nahay taageerada aynu la garan istaagayno Ibraahin Daahir Dubad oo aynu ku han weynahay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga Waddani.

Xoghaye ku xigeenka hanti dhawraha xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Jaamac oo ka hadlay munaasibadda ayaa waxa uu yidhi “Waan uga mahad naqayaa dhalinyarada inay maanta garteen inay tahay maalintii codkooda la maqli lahaa, waxaanan shaacinaynaa in Ibraahin Daahir Dubad uu u sharaxan yahay gudoomiyaha xisbiga Waddani cirro ka dib, waxaynu doonaynaa inaynu dhalinyarada u jeexno dariiq cusub oo ay ku hiigsadaan hogaanka dalka.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews