berberatoday.com
Xogo Xaasaasi Ah Oo Kashiftay Shaqsiyaadka Ku Shuraakoobay Xadhiga Wariye Axmed Sakaaro Iyo Dabinada Qarsoon Ee Gudoomiyaha Solja Umaleegay Wariyahan
October 7, 2016 - Written by Berbera Today

sakaaro-iyo-shirqoolkaBurco(Berberatoday.com)-Wariye Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro) oo muddo sifo sharci darro ah ugu xidhan Xabsiga Magaaladda Burco, isla markaana Maxkamadda Gobolka Togdheer ay u jartay Todoba cisho oo Ruman ah ayaa hada xabsiga kujira Mudo 14 maalmooda, ayaa waxa isaa-soo taraaya shaqsiyaadka ka danbeeya xadhigiisa. Kuwasoo cudud iyo caqli wixii ay lahaayeen-ba iskugu geeyey sidii wariyahaas aan xabsiga looga sii dayn. Kooxdan ayaa iskugu jirtaa Wasiiradda ugu awoodda badan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sidoo kale xubno ku shaqeystaa Magaca Saxaafadda, isla markaana hor-joogayaal ka ah Ururkii Solja ee u gacan-galay Xukuumadda tallada haysaa. Xoggaha xasaasi ah ee biyo kama dhibcaanka ah ee laga helaayo shaqsiyaadka ka danbeeya xadhiga wariyaha weyn ee Axmed Muuse (Sakaaro) oo ka hawlgela gobolka Togdheer, ayaa daaha ka fayday in Amarkii ugu horeeyey ee lagu xidhay wariyahaasi uu bixiyey Wasiirka awoodda isbiday ee Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Cali Xasan Maxamed ( Cali Mareexan), kaasoo ka daba socdaa xoggo waqti hore Warbaahinta gobolka Togdheer oo dhami baahisay. Sidoo kale, xoggaha ku taxaluqa xadhiga xaqdaradda ah ee lagula kacay Wariye Axmed Muuse (Sakaaro) ayaa la sheegay inuu isnaa kaalinta labaad kaga jiro Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isaggu Wariyahaa u arkaa inuu faafiyo wararka asxaabta Mucaaridka ah ee Gobolka Togdheer, waxana la sheegay inuu wasiirka madaxtooyadda si toos ah u faray madaxda booliska ee Gobolkaa in aanay wariyahaas sii daynin, isla markaana yeelin cid kastaa oo isku dayda inay Damiinato Saxafi Sakaaro. Geesta kale, Wararku waxay daboolka ka qaadeen in xadhiga Wariye Axmed Sakaaro kaalin mug iyo miisaan leh uu ka qaatay Gudoomiyaha Ururka Saxaafadda ee Solja oo isaggu si toos ah uga amar qaata Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana arrintaas daliil u ah Ururka Saxaafadda ee Solja markii Inqilaab ay kula wareegtay Xukuumaddani, waxay u dhiibtay Gudoomiyaha hadda oo lagu magacaabo Mr. Xuuto, kaasoo isaggu noqday Gudoomiye Xukuumadda aan ku dhaliilin gefefka ay Xukuumaddani Warbaahinta la bartilmaameedsatay mudadii ay xukunka haysay. Xil-gudasho la’aantaa Ururka Solja waxa ka dhashay inay Warbaahintu isku difaacdo laba qaab, kuwaasoo kala ahaa Marka wariye la xidho inay Wariyaashu afkooda ku cambaareeyan xadhiga lagula kacay, iyo sidoo kale inuu Sameysmo Urur Saxaafadeed kale oo u dooda xuquuqda Saxaafadda ee Xukuumaddu ku tumanayso. Haddaba, Wariye Axmed Muuse Sakaaro waxa uu kamid yahay wariyaasha Fir-fircoon ee guntiga dhiisha iskaga dhigay badbaadinta xoriyatul qawlka Somaliland iyo sidoo kalena aas-aasay Urur Saxaafadeed cusub oo lagu magacaabo (SECJA), isla markaana uu Gudoomiye ku xigeenka ahaa Wariye Sakaaro. kaasoo kaalin weyn ka qaatay samo-ta bixinta iyo badbaadada Saxafiyiin badan oo sannadadii u danbeeyey Xukuumada xabsiga u taxaabtay. Urur Saxaafadeedka Secja oo u Gudoomiye ku xigeenka yahay Wariye Axmed Muuse (Sakaaro) ayey dhibsadeen Maamulka Xukuumiga ah ee Solja. Waxanay hadda intii ay cambaareyn lahaayeen uu Gudoomiyahoodii Xukuumadda ku garab taagan yahay sidii wariye Sakaaro Xabsiga ugu sii jiri lahaa. Ma jiro wax war ah oo hadda kooxdani ka daba socoto Gudoomiye ku xigeenka Ururka Saxaafadda ee Secja, hase-yeeshee waxay kooxdani ugu talo galeen in looga dhigo cabudhin, maadaama oo ay wasiiraddan ay wariyaha isku beesha yihiin hore ugu soo banadhigeen inuu dhaqaale Xukuumadda ka qaato, isla markaana joojiyo Wararka dhexdhexaadka ah ee Wariyuhuu gobolka kasoo faafiyo, iyo sidoo kale inuu joojiyo u doodista marka la xidho wariye reer Somaliland. La soco xogo kale oo faahfaahsan. Berberatoday

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews