Aqoonyahanka Itoobiya Oo Tuhunsan In Masar Ku Lug Leedahay Rabshadaha Socda
October 8, 2016 - Written by Berbera Today
Addis-ababa(Berberatoday.com)-Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Hailemaraim, ayaa dhawaan sheegay in kacdoonka Itoobiya ay ku lug leeyihiin xoogag shisheeye oo aan doonayn in dalkiisu ka faa’iideysto khayradkiisa. Desalegn ma magacabin xogagaas, balse waxaa jira dareen xisbiga EPRDF ka qabto dalka Masar oo ay ku muransan yihiin adeegsiga wabiga Nile.

Shakhsiyaad taageera dawlada oo lagu sheegay indheer-garad ayaa warbaahinta dalka u sheegay in ay cadahay in Masar faraha kula jirto arrimaha gudaha ee Itoobiya. kooxdan ayaa doodooda ku saleeyey muuqaalo laga duubay koox Oromo ah oo ku sugan Masar oo lagu tilmaamay OLF.