Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyeeyay Geerida Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Oo Hargeysa Kugeeriyooday
October 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweyne Somaliland, wuxu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay ALLA ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wiilkii ugu yara caruurtii uu dhalay Madaxweynihii geeriyooday ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xalay (07.10.2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu si gaara u tacsiyadaynayaa qoyska reer Xaaji Ibraahim Cigaal.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.