Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Oo Hargeysa Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay
October 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Abaara 10kii subaxnimo ee saaka ayaa xabaalaha Naasa Hablood ee Hargeysa ayaa lagu aasay Wiilkii uu dhalay Marxuum Madaxweynihii Hore ee Somaliland Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xalay fiidkii Hargeysa ku Geeriyooday kadib xanuun kusoo booday oo mudo kooban oo laba todobaad ah uu ujiifay.