Somaliland: Qofkii UIhorreeyey Ee La Sheego Inuu Taleefan Uu Qabtay Wax Ku Noqday Oo Lasoo Bandhigay “Daawo Muuqal
October 8, 2016 - Written by Berbera Today
Ceel-afweyn(Aftahannews):- Masuuliyiinta Maamulka iyo Ciidanka Booliska ee degmada Ceel-afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa Saxaafadda loogu soo bandhigay Ruuxii ugu horreeyey ee deegaannada Somaliland wax ku noqda qabashada Taleefankiisa gacanta ee Mobile-ka oo uu qabtay ka dib markii Lambar dibedeed laga soo wacay sida uu isagu sheegay.
Inkasta oo tan iyo toddobaadkii u dambeeyey Baraha Bulshadu ku kulanto iyo goobaha la isugu yimaaddaba aad loogu hadal-hayey in Taleefan dadka laga soo wacayo, gaar ahaan Whats up-ka, IMO-da iyo Taleefanno toos ahba, isla markaana ay jiraan dad ku dhintay sida Baraha Bulshada qaarkood la soo dhigay, iyadoo digniino ay Soomaalidu isu marinaysay Baraha Bulshada, balse cid si rasmi ah u xaqiijinaysa dhibaatada ka dhalanaysa iyo jiritaanka waxaas aan lahaynin marka laga yimaaddo hadal-haynta.