berberatoday.com
Xaraaradda Siyaasadda Oo Kor U Kacday, Miisaanka Soo Kordhay Ee Waddani, Saamaynta KULMIYE Ay Ku Yeelanayso Iyo Murshaxa Muuse Oo Hargeysa Ku Soo Jeedda
October 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaraaradda siyaasadeed ee Somaliland ayaa si kedis ah oo aan la filayn kor ugu kacday, waxaana mar keliya isbedel muuqda laga arkay xisbiyada dhexdooda.

1

Siyaasiyiinta Isbahaysiga ee toddobaadkan ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka mid ah sababaha kor u kiciyey siyaasadda Somaliland, waxaana markii ay ku dhawaaqeen inay ku biireen xisbigaas la arkay siyaasadii Somaliland oo dhaqdhaqaaq badani ku soo biiiray. Sidoo kale siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfurta Hargeysa oo miisaan culus leh oo iyaguna maalmahan ku biiraya xisbiga Waddani ayaa qayb ka ah in xaraaradda siyaasadeed ee Somaliland kor u kacdo.

Waxa ay labadan kooxood ee siyaasiyiinta ah uu ku biiritaankooda Waddani saamayn siyaasadeed ku yeeshay xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE. Laba sababood ayaanay saamayno ugu yeesheen xisbigaas.

Waa marka koowaad’e kooxda isbahaysiga ayaa u badnaa wasiiradii hore uga tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba hoggaankii xisbiga KULMIYE, waxaanay isugu jiraan siyaasiyiin ka soo kala jeeda deegaano kala duwan oo u badan deegaano xisbiga KULMIYE   u ahaa xarumo siyaasadeed oo uu si gaar ah ugu tiirsanaa, marka codka doorasho laga hadlayo.

Kooxdan isbahaysiga waxa kale oo ku jira rag miisaan ku dhex lahaa xisbiga KULMIYE, kuwaas oo loo tiriyo inay qayb libaax ku lahaayeen guushii uu KULMIYE ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee 2010, islamarkaana ah rag waayo arag ku ah doorashooyinka iyo xeeladaha loollanka xisbiyada.

Waxaa la aaminsanyahay inay raggani miisaan iyo waayo aragnimo siyaasadeed ku soo biirin doonaan xisbiga curdinka ah ee Waddani oo aan isagu weli ka qayb gelin doorashooyin aan ahayn tii golaha deegaanka ee uu ku soo baxay.

Waa marka labaad’e siyaasiyiinta labaad ee iyaguna laba maalmood ka dib ku biiraya xisbiga KULMIYE, ayaa ah siyaasiyiin ah reer Hargeysa oo ah deegaanka uu ka soo jeedo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE. Siyaasiyiintan ayaa iyaguna ah kuwa waayo arag ah oo miisaan iyo khibrad siyaasadeedba ku soo kordhin doona xisbiga Waddani.

Sidaas daraadeed xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ayaa si weyn u eegaya isbedeladan siyaasadeed ee bilaabmay, oo dadka qaar u arkaan in doorashada ka hor ay wax weyn iska beddeli doonaan miisaanka siyaasadeed ee xisbiyada  waxaana la filayaa in murashaxa ahna guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ay Arbacada toddobaadkan oo ah 12 Oktoobar ku soo laabtaan Hargeysa.

Lama garanayo in Muuse Biixi socdaalkiisa u soo gaabiyay isbedelada siyaasadeed ee soo kordhay oo uu safarkiisii Ingiriiska ku soo koobay toban maalmood oo keliya iyo in soo noqoshadiisani aanay ahayn mid ay siyaasadi sababtay ee ay tahay mid hore u qorshaysnayd.

Si kastaba ha ahaate, xiisihii siyaasadeed ee Somaliland waxa ku soo kordhay dha-dhan siyaasadeed oo kulayliyay xaraaradeedii, waxaanu hadda xisbiga Waddani ku jiraa dabaal-deg siyaasadeed oo ay xubnahan ku biiray ku soo kordhiyeen.

iyada oo la eegayo jawaabta uu xisbiga KULMIIYE ka bixiyo iyo qorsheyaasha siyaasadeed ee uu la yimaado si uu u waajaho isbedeladan siyaasadeed ee soo kordhay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews