Deg Deg Cudurka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Yemen Iyo Tirada Dadka Uu Soo Ritay Xilli Colaado Sokeeye Dalkaas Ka Socdaan
October 9, 2016 - Written by Berbera Today
Sanca(Berberatoday.com)-Hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in cudurka daacuunka uu ka dillaacay dalka Yemen.
Gudaha magaalo madaxda dalkaasi ee Sanca oo kaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay dhowr qof oo qaba cudurkaasi.
Sidoo kale dad kale ayuu xanuunkaasi ku soo ritay magaalada Tacis ee koonfurta dalkaasi Yemen.
Colaadda sokeeye ee in kabadan 18-ka bilood ka socota dalkaasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay hannaanka caafimaad ee dalkaasi