berberatoday.com
Falanqayn: Hoggaamiye Xisbi Iyo Guddoomiye Xisbi
October 9, 2016 - Written by Berbera Today

Ujeeddada qoraalkani waxaa weeye inuu aragti guud inaga siiyo waxa uu yahay Hogaamiye Xisbi, Guddoomiye Xisbi iyo qaab-dhismeedka Xisbiyada Somaliland.

Hordhac

Inta badan dastuurada ama xeer hoosaadada xisbiyadu siyaasadu waxay dhigaan qaab ay tahay inay ku shaqeeyaan xisbiyadu, qaababkaas xisbigu yeelanayaa waa mid waafaqsan nidaamka dawladeed iyo xeerarka dalka ee dhinaca xisbiyada. wadamada nidaamkoodu yahay hanaanka Madaxwayne waxay leeyihiin xisbiyadoodu Gudoomiye iyo ku xigeeno halka wadamada inta badan hanaanka Barlamantariga ahi ay leeyihiin hogaamiye xisbi iyo Gudoomiye, kaasi oo hogaamiyaha xisbigu marka danbe noqdo ra’iisal wasaaraha dalka.

Qaab-dhismeedka Xisbiyada

Xisbiyada adduunku way ku kala duwan qaab-dhismeedka iyo qaab kooda hoggaamineed. xisbiyada qaar waxay leeyihiin waxa loo yaqaanno hoggaamiye xisbi (party leader), hoggaamiyaha xisbigu waa kan ugu awoodda badan xisbiga dhexdiisa, waxa uu masuul ka yahay dhisida xidhiidhka dadwaynaha iyo xisbiga waana ka dajiya siyaasada xisbiga gaar ahaan doorashada.

Sidoo kale waxay leeyihiin Guddoomiye xisbi (party Chairman) kaasi oo ka duwan hoggaamiyaha xisbiga (party Leader). shaqada guddoomiyaha xisbigu waxa weeyi inuu ka shaqeeyo maamulka hawlaha xisbiga gudihiisa sida ururinta lacagta ololaha iyo shaqaalysiinta xubnaha xisbiga.

Waddamada qaar xisbiyadooda ayaa leh hoggaamiye xisbi iyo Guddoomiye xisbi ba sida dalka Boqortooyada Ingiriiska (Boqortooyada Ingiriiska) . Tusaale ahaan, Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party)  ee dalka Ingiriiska wuxuu leeyahay “Hoggaamiye Xisbi” iyada oo hoggaamiyahaasi u taagan yahay qofka ka masuulka ah hagista arrimaha siyaasadda ee xisbiga.  xilligan oo kale marka xisbigu (Labour) uu mucaarad yahay, waxaa loogu yeedhaa “Hoggaamiyaha Mucaaradka” isaga oo guddoomiya Xoghayayaasha Wasiirada ee Mucaaradku leeyahay. Dalka Boqortooyada Ingiriiska, nidaamka u degsan xisbiyadiisa, marka xisbigu uu talada dalka ku guulaysto inta badan hoggaamiyaha xisbigu wuxuu noqdaa Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, Khasnajiga Guud ee dalka iyo weliba Wasiirka Adeega Dadweynaha, intaas waxaa u dheer hawlihii shaqo ee xukuumadda sida dhismaha Golaha Wasiirada.

Xisbiga haatan xukuma dalka Boqortooyada Ingiriiskaee Conservative waxaGuddoomiye u ah Patrick McLoughlin, waxaana xilkaas loo doortay July 2016, Guddoomiyaha Xisbiga Conservative wuxuu masuul ka yahay inuu dusha ka hago xafiisyada ololaha doorasho ee xisbiga. Sidoo kale marka Xukuumadda tallada haysa uu xisbigoodu hoggaaminayo, waxa uu badanaa yahay xubin ka tirsan golaha wasiirad,a hase ahaatee waa wasiir aan masuuliyad gaar ah lahayn. Hoggaamiyaha Xisbigu waa Theresa May, oo haatan ah Ra’iisal Wasaaraha dalka Boqortooyada Ingiriiska, inta badan qofka qabanaya xilka hoggaamiyaha Xisbiga shaqadiisu waa hoggaanka dhinaca siyaasadda, halka Guddoomiyaha Xisbigana shaqadiisu tahay hawlaha hoggaaminta xisbiga.

Dhinaca kale, waddamada qaar waxay u isticmaalaan qaabkooda hoggaamineed ee xisbiga qaab kaliya ay maamusho guddi sida Maraykanka ama Hoggaan Xisbi oo ka duwan kan xaga sare ku soo sheegnay sida Somaliland. Tusaale ahaan, Xibiga Jamhuuriga ee Maraykanku wuxuu leeyahay guddi loogu yeedho Republican National Committee (RNC) guddidani waxay ka kooban tahay Guddoomiye, caawiye hoggaamiye, khasnaji iyo xoghayn. guddidani waxay leedahay doorka maamulida guud ee xisbiga Jamhuuriga, iyagoo raacaya shuurucda lagu gaadho shirwaynaha qaran ee xisbiga.[1]sidoo kale xisbiga kale ee Dimuqraadigu wuxuu leeyahay Guddi la mid ah tan RNC oo maamusha Xisbiga lana yidhaahdo Democratic National Committee (DNC), Guddidaas waxay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiyaha Guddidaas waxaa la yidhaa Donna Brazile. DNC wuxuu masuul ka yahay hannaanka doorashada ee xisbiga Dimoqraadiga, waxayna xoogga saaraan ololaha iyo qorshaha  xisbiga.

Hadda, sida aad ku arkaysaan xisbiyada Boqortooyada Ingiriiska Guddoonka Xisbiga iyo Hogaaminta Xisbigu way kala duwan yihiin, Guddoonku wixii xisbiga ah ayuu ka shaqeeyaa, Hoggaankuna dhinaca siyaasadda.

Qaab-dhismeedka Xisbiyada Siyaasada. Somaliland

Somaliland waxay leedahay saddex xisbi, kuwaasoo muddada jiritaankoodu ay tahay 10 sanno[2],xisbiyada Somaliland lama badnaan karaan, kamana yaraan karaan sadexdaasi xisbi sida ku cad dastuurka[3].

Xisbiyada Somaliland waxay u qaabaysanyihiin sadex qaab oo ah Hogaanka Xisbiga , Gudida Fulinta, iyo Golaha dhexe. xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasada ayaa ka hadlaya qaabka lagu dooranayo iyo qaabka xilka lagaga qaadayo sadexdan qaybood ee uu xisbigu ka koobanyahay. iyadoo  hogaanka xisbiga , gudida fulinta iyo golaha dhexe lagu dooranayo shirwaynaha xisbiga  oo la qabanayo shantii sanoba halmar[4] halka xilka qaadistoodana ay awood uu u leeyahay gudoomiyaha xisbiga, iyo xubnaha golaha dhexe laftigooda oo sadex meeloodow hal meel soo jeedin karto xil ka qaadista [5].

Maxaa loola jeedaa Hogaanka Xisbiga ee Xisbiyada Somaliland

Sida ku cad xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasada, hogaan xisbi maaha qof kaliya oo la odhanayo waa hoggaamiyaha xisbiga, hase ahaatee, hogaanka xisbi waxa la isku yidhaahdaa kana koobanyahay Guddoomiyaha, Gudoomiye-kuxigeenka ,Xoghaya Guud iyo ku xigeenadiisa[6]. kaasi oo la mid ah nidaamka  xisbiyadaMaraykanka sababtoo ah waxay wadaagaan qaab isku mid ah oo hogaamineed kaasi oo ka kooban Hogaan uu guddoominayo Guddoomiye. hannaankan ay wadaagaan waxa sal u ah qaabka is-xukun ee ay isticmaalan labada wadan, labaduba waa hannaanka Madaxtooyada ku dhisan ee leh laba gole oo awood badan oo dheelli tiran.

Sida ku xusan qoraalka sare waxaa ka muuqata in nidaamka ah in xisbigu yeesho Hoggaan Xisbi iyo Guddoomiye Xisbi ay la jaanqaadayso nidaamka Barlamentariga ah kaasi oo sida xisbiyada Boqortooyada Ingiriiska hoggaamiyaha xisbigu uu noqdo ra’iisal-wasaaraha dalka, halka nidaamka ah in xisbigu yeesho guddi hoggaamineed oo uu guddoominayo guddoomiye ay la jaanqaadayso hanaanka Madaxwaynenimo (presedential System).

Xisbiyada Somaliland Ma wada yeelan karaan Hoggaamiye Xisbi Iyo Gudoomiye

Su’aasha is waydiinta leh ayaa ah ‘in xisbiyada Somaliland wada yeelan karaan hoggaamiye xisbi iyo gudoomiye sida xisbiyada dalka Boqortooyada Ingiriiskagaar ahaan xisbiga conservative iyo inkale?

Haddaba, ka hor intaanay xisbiyada Somaliland wada yeelan waxay tahay in la eego shuruucda doorashooyinka iyo qaabka ay u dejiyeen inuu xisbi lahaado. sida sare ku xusan xeerka nidaamka ururrada iyo  asxaabta siyaasada Somaliland wuxuu caddeeyey in xisbiyada Somaliland ka kooban yihiin saddex qaybood oo kala ah hoggaanka xisbiga( gudoomiye, gudoomiye kuxigeen, xoghayaha guud iyo ku xigeenadiisa), Gudida Fulinta iyo Golaha dhexe.[7] tani waxay meesha ka saaraysaa in xisbi ka mid ah xisbiyada Somaliland uu raaci karo qaabka duwan qaabka lagu xusay xeerka ururada iyo nidaamka asxaabta oo ah inaan xisbina xeerarkiisa ka muuqan Karin qodob ama qodobo ka soo horjeeda dastuurka[8] dastuurka Somaliland na uu yahay hannaanka Madaxweyne (presidential System), sidaasi si leegna ay xisbiyadu u qaabaysnaadaan habka dastuurka Somaliland u dhisay dawladnimada inta laga guuraayo hannaankaas amma wax-kabeddel Dastuurka lagu samaynayo[9].

Maxaa ka dhalan kara hadii xisbiyadu qaataan labadan nidaam

Innaga oo ka faa’idaysanayna waayo-aragnimada siyaasiga ah ee Xisbiyada Somaliland iyo muranka soo noqnoqda ee qaarkood ku kellifay inay saaxadda ka baxaan, waxaa hubaal ah in  xisbiga xisbiyada Somaliland ah ee qaata nidaamkan uu naafayn doono haddii aan la kala caddayn awoodaha ay yeelanayaan Guddoomiyaha Xisbiga, Hoggaamiyaha Xisbiga, Musharaxa Xisbiga, Xoghayaha Guud ee Xisbiga iyo weliba Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigu. Haddii hoggaamiyaha loo daayo arrimaha siyaasadda, yaa yeelanaya go’aanka ugu dambeeya, arrimaha siyaasadduse xuduudoodu halkee ku ekaanaysaa? sidee u kala sarraynayaan hoggaanka xisbigu, awoodda ku xigeenadu maxay ahaanaysaa, arrimahaas oo dhan waa kuwo horyaalla in shirweynaha Guud ee Xisbiyada lagu kala caddeeyo ka hor inta aan wax laga bedelin qaabdhismeedka Xisbiga si aan ka hor imanayn xeerka nidaamka ururrada iyo asxaabta  siyaasada ee Jahmuriyada Somaliland.

Gebo Gebo

Xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadu wuxuu si cad u qeexay qaabdhismeedka xisbiyada siyaasada Somaliland, kaasi oo hadii xisbiyada Somaliland la yimaadaan qaab ka duwan ay tahay waxba kama jiraan ilaa iyo inta waxka bedel lagu samaynayo xeer Lr.14/2011.

Soo jeedin

Iyada oo la tixraacayo dalalka isticmaala hannaanka xisbigu leeyahay Guddoon, Hoggaamin siyaasadeed, iyo Musharax Xisbigu doorto, waxaa lama huraana in taladu hal meel ka soo wada baxdo sida Xafiiska Hoggaanka ama kan Guddoomiyaha ee xisbiga si khilaaf aanu u dhicin.

Hadii xisbiyada Somaliland ay qaadanayaan nidaamkan ah inay yeeshaan hoggaamiye iyo gudoomiye waa inay eegan in nidaamkani la jaanqaadi karo nidaamka sharci ee u dajisan Somaliland sida dastuurka iyo inkale.

Tixraac.

Democrats.org. (2016). Democrats.org. Retrieved 6 October 2016, from https://www.democrats.org/about/our-party/party-organization

[10]”The Conservative Party”, Conservatives.com, 2016. [Online]. Available: https://www.conservatives.com/. [Accessed: 07- Oct- 2016].

HQ, 2., Groups, G., Platform, R., Resolutions, R., Center, A., & Releases, P. et al. (2016). RNC Rules & Resolutions | GOPGOP. Retrieved 6 October 2016, from https://www.gop.com/rules-and-resolutions/

Xeer lr.14/2011. (2016). Retrieved 6 October 2016, fromhttp://www.somalilandlaw.com/Xeerka_Ururada___Xisbiyada_2011_iyo_Wax_Ka_Bedelkiisi_FINAL_221211.pdf

[11]”Somaliland Constitution”, 2016. [Online]. Available: http://www.somalilandlaw.com/Somaliland_Constitution_Text_only_Eng_IJSLL.pdf. [Accessed: 07- Oct- 2016].

Committee, r.n. (2016) our party. available at: https://www.gop.com/our-gop/ (accessed: 5 october 2016)

Labour.org.uk, 2016. [Online]. Available: http://www.labour.org.uk/. [Accessed: 05- Oct- 2016].

Ku saabsan Xarunta Daraasaadka Siyaasada (CPA)

CPA waa Xarun aan dawli ahayn, faa’iido-doonna ahayn. Hiigsiga xarunta CPA waa inuu ka caawiyo wadamada Geeska Afrika si ay ugu naaloodaan Nabadgelyo iyo Dawlad Wanaag. Xarunta xafiiska CPA waa Hargeisa,Somaliland.

 

Hibaq Ibrahim

MDIR, PGDip, LLB

CPA, ED.


[1] rule no. 1 of Republican Party

[2] 6(5) Xeer Lr. 14/2011

[3] 9 (3) Somaliland constitution

[4] 25(2) Xeer Lr. 14/2011

[5] 25 (6) Xeer Lr. 14/2011

[6] 1 (11) Xeer Lr. 14/2011

[7] 1 (11) Xeer Lr. 14/2011

[8] 7(2) Xeer Lr. 14/2011

[9]  dasturka s/land

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews