berberatoday.com
Shiinaha Oo Damacsan Inuu Iibsado Dhamaan Dameeraha Dunida Ku Nool Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelanayso Soomaalida Oo Adeegyada Aasaasiga Ah Ku Qabsada Sida Biyo Dhaaminta
October 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalka China ayaa bilihii u dambeeyey bilaabay dadaal xoog badan oo uu ku raadinayo in uu iibsado dhammaan dameeraha duniga ku nool ee cidda lihi diyaarka u tahay in ay lacag qaadato. Waxa aanu ka samaynayaa dawooyin iyo waxyaabo kale oo caafimaadka loo isticmaalo, gaar ahaan, waxa uu doonayaa in dameerahan lagala baxo maadadda Gelatin oo ah maaddo dhegdheg leh oo aad loogu isticmaalo samaynta cuntooyinka, dawooyinka iyo kiriimada la isku qurxiyo.dameer biyoole ah

Maadadda Gelatin waxaa laga saaraa lafaha xayawaanka oo doofaarka u badan iyo dhirta qaarkeed. Waxa aana lagu sameeyaa dawooyin u badan kuwa cudurrada ku dhaca wareegga dhiigga, dawakhaadda, khalkhalka ku dhaca caadada dumarka iyo hurdo la’aanta, dawooyinka dhiigga firfircooneeya, joojinta dhiig baxa daran, daweynta dhiig yaraanta, hoos u dhaca unugyada dhiigga, iyo dhinaca kalana kiriimada lagu qurxiyo jidhka, kiriimada lagu daweeyo safanta cagaha ku dhacda iyo dawooyin iyo cuntooyin iyo mac-macaanno kale oo aad u badan aadna dunida maanta looga isticmaalo.

Warbixin lagu qoray Al-Carabiya ayaa intaas ku dartay in dameeruhu ay yihiin ganacsi muddooyinkan dambe uu aad u danaynayey Shiinaha oo daafaha dunida u diray ganacsato iyo dillaaliin soo iibiya wixii dameero ah ee la helo, kadib markii cabsi weyni ay soo food saartay warshadaha sameeya wax-soo-saarka aynu kor ku soo xusnay oo ka warwar qaba hoos u dhac muuqda oo ku yimid dameerihii ku noolaa dalka China.

War uu baahiyey talefishanka CNN ayaa lagu sheegay in tirada dameeraha ku nool dalka Shiinaha oo hore u ahaan jirtay qiyaas ah 11 Milyan ay hadda hoos ugu dhacday 6 Milyan oo keliya. Masuul sare oo ka tirsan xukuumadda dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Nayjar (Niger) ayaa Idaaadda BBC u sheegay in ay aad u korodhay tirada dameeraha dalkiisa looga dhoofiyey dalka Shiinaha, waxa aanu caddeeyey in sannadkan aan weli dhammaan oo keliya, qiyaas 80 Kun oo dameer ah looga dhoofiyey China, halka sannadkii hore tirada dameeraha China la geeyey ahayd 27 kun oo keliya.

Dalal ogolaaday iyo kuwo mamnuucay dhoofka dameerah:

Dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Niger lafteeda iyo Burkina Faso ayaa bishan mamnuucay in dameeraha dalalkooda laga iibiyo China, kadib markii dhaqdhaqaaqa xaamiga ah ee sayladaha dameeraha uu Shiinuhu geliyey keenay in qiimaha dameeraha ee dunidu uu saddex laab kor uga kaco intii uu ahaan jiray. Ka ganacsiga iyo dhaqashada dameeruhuna ay meelo badan ka noqotay il wax-soo-saar oo faa’iido badan.

Faa’idadad ganacsiga dameeraha ayaa sababtay in dalal kale oo Afrikaan ah oo uu ka mid yahay dalka Kenya ay ganacsatada Shiinaha u fasaxaan in ay dalalkooda ka furtaan xero-dhiig, dameeraha lagu dilo kadibna lagala baxo maaddada Gelatin ama loo dhoofiyo dalka China si halkaas loogu warshadeeyo, dalka Kenya ayaa isagu ogolaaday in ganacsatadan Shiinaha ahi maalin kasta dili karaan 100 dameer.

Xeeldheer u dhashay dalka China oo lagu magacaabo Chen Yunfeng ayaa isna xukuumadda dalkiisa ugu baaqay in ay xal u hesho hoos u dhaca dameeraha ee dalkiisa, si loo xoojiyo wax-soo-saarka dawada ee dalkaas oo muddooyinkii dambe guud ahaan wax-soo-saarkiisa warshaduhu aad u krodhay.

Wargeyska New York Times ee dalka Maraykanka ka soo baxa ayaa wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee dalka China ka soo xigtay hadallada khabiirkan oo ay ka mid ahaayeen, “Waxa waajib ku ah xukuumadda in ay xoojiso dadka dameeraha dhaqa oo ay caawiso”

dameero

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews