BOORAMA: Ganacsatada Jaadka Oo Cabasho Ka Muujiyay Cashuur Dawladda Hoose Kusoo Rogtay
October 10, 2016 - Written by Berbera Today
Boorama(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah ganacsatada Jaadka ee Magaalada Boorama ayaa maanta Mudaharaad ka sameeyay magaaladaasi.
Ganacsatada Jaadka ee Mudaharaadka sameynaysay ayaa waxaa ay dhagxaan iyo Taayiro ku gooyeen wadooyinka Muhiimka ah ee magaallada Boorama, kuwaasi oo ka cabanayay Cashuuro dawlada hoose kusoo rogtay jaadka lagu iibiyo magaalada Boorama.
Qaar ka mid ah Dadka mudaharaadka sameynayay oo Warbaahinta la hadlay ayaa Maayirka magaalada Boorama ku eedeeyay inuu kusoo rogay cashuuro sharci daro, islamarkaana ay hore u joojisay wasiirka maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan.