Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Qarax Goor Dhoweyd Ka Dhacay Magaalada Moqdisho + Khasaaraha Ka Dhashey
October 10, 2016 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Suuq Bacaad iyadoo ciidamada ammaanka ay qabteen darawalkii waday gaadhi noociisu ahaa Surf.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo ka hadlay ayaa sheegay in gaadhiga qarxay ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen gaadhiga iyo ninkii waday ,waxaana uu intaa ku daray in ninka gaadhiga watay ee la qabtay uu sidoo kale watay Bastoolad.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir in gaadhigu uu qarxay intii gacanta lagu hayay oo ciidamada miino baarista ay baaritaanka ku wateen.
C/fitaax Cumar Xalane ayaa sidoo kale xusay inuu jiro Khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa ka dhashay gaadhiga ciidamada amnigu ay qabteen.