Xildhibaanad Ingiriis Ah Oo Dhawaan Hargeysa Timid Oo Ingiriisku Ku Haysto Lacagtii Ay Ku Safraysay Oo Tuhun Galay Iyo Wargeysyada Ingiriiska Warbixino Ka Qoray
London(Berberatoday.com)-Mss. Diane Abbott, oo markaas ay Hargeysa timid ahayd xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, haddana ah xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbigaas, ayaa waxa uu wargeyska Telegraph, ee dalkaas ka soo baxaa uu shalay baahiyay in haweenaydan lagu haysto inay lacag ka qaadatay si ay ugu safarto ururada samo-falka ee Islaamiga ah ee dalka Ingiriiska oo laga joojiyay inay wax lacag ah ka qaataan dawladda Ingiriiska, ka db markii baadhitaano la sameeyay lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin ururada Xamaas iyo Akhwaanul Muslimiinka Masar iyo weliba inaanay si wanaagsan u gudan shaqooyinka lagula heshiiyay inay qabtaan.