Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Aadan Cilmi Dhoolayare oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus beesha degta koonfurta magaalada Hargeysa iyo degmada Salaxley isla markaana ka mid ah xisbiga Waddani ayaa waxaa uu xukuumada Somaliland ku eedeyey in ay ka danbaysay dhalinyaro kooban oo maalintii shalay aheyd mudaharaad ka dhigtay xaafada calaamada ee magaalada Hargeysa isla markaana calanka xisbiga Waddani gubtey