Dagaalo Culus Oo Goor Dhoweyd Dib Uga Qarxay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo
October 11, 2016 - Written by Berbera Today
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa goor dhoweyd wax yar ka hor salaadii maqrib dib uga bilowday galbeedka magaalada Gaalkacyo oo maalmahanba xiisad colaadeed ay ka aloosneyd.
Wararka ayaa sheegaya in rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn laga maqlayo goobaha dagaalku ka socdo oo labadii maalin ee u dambeysay ay isku hor fadhiyeen ciidamo kala tabaacsan labada dhinac.
Goob joogayaal ayaa sheegayey in dagaalkan ka hor maanta oo dhan rasaas goos goos ah laga maqlayey goobaha ciidamada dirirsani isku hor fadhiyaan.