Itoobiya Oo Kacdoonada Dalkeeda Kasocda Ku Eedeysay Dalalka Masar Iyo Eretaria
October 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa ku eedeysay dowladaha Masar iyo Eritrea inay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda Gobollada ay degaan Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah qowmiyadaha ugu badan dalka Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in dad shisheeye ay hubeynayaan kooxaha rabshadaha wata, isla markaana lacag siinayaan.
“Masar iyo Eritrea qeyb ayay ka yihiin rabshadaha, waxay dhaqaale iyo hub ku taageerayaan kooxaha qaswadayaasha”ayuu yidhii Getachew Reda.