Nuxurka Doodii Labaad Ee Donald Trump Iyo Hilary Clinton
October 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Doodan u dhexaysa musharrixiinta ku tartamaya madaxtinimada dalka Mareykanka, Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa si toos ah TV-yada caalamka looga daawadanayay habeenkii Xalley.
Trump ayaa la weydiiyay muuqaal laga duubay oo ku saabsanaa isagoo ku gefaya dumarkaWaxa uu sheegay in aanu arrintaasi ku faraxsaneyn, islamarkaana uu aad uga xun yahay falkaasi. Laakiin wuxuu isku difaacay in hadalkaasi uu ahaa wada sheekeysi gaar ah.
Waxa uu ku adkeystay inuu dumarka xushmeynayo. Seyga Hillary Clinton ayuu ku eedeeyay inuu isaga oo ah Trump uu kala xun yahay. Hillary Clinton waxa ay sheegtay in muuqaalkaasi uu muujinayo in Donald Trump aanu u qalmin inuu madaxweyne noqdo.