Xanuunka Jadeecada Oo Dad Udhinteen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Saaxil
October 11, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ugu Yaraan afar Qof ayaa ku dhintay Xanuunka Jadeecadda oo ka dilaacay deegaanka Laas-ciidle ee ka tirsan Gobolka Saaxil.
Saddex caruur ah oo da’doodu ka yartahay Shan jir iyo Gabadh 25jir ah ayaa la sheegayaa inay deegaankaasi u geeriyoodeen xanuunkaasi oo sii faafaya sida ay sheegayaan qaar ka mid xildhibaanada Gollaha deegaanka Berbera oo habeen hore cisbitaalka Magaalada Berbera ku booqday Bukaan xanuunkaasi u jiifa Cisbitaalka.
“Qaylo dhaan ayaanu halkan uga diraynaa Wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha guud inay indhahooda kusoo arkaan dadka u dhintay xanuunka, Caafimaad daro, Abaar iyo Mid abaareed ayaa ka jirta Gobolkii Saaxil, Deegaanka Laas-ciidle dadbaa u dhintay Xanuunka Jadeecada oo sii faafaya markaa halaga soo gaadho dadka shacabka ah”ayay yidhaahdeen xildhibaano ka tirsan gollaha deegaanka Gobolka Saaxil oo habeen hore shir jaraa’id ku qabtay cisbitaalka guud ee magaalada Berbera.