Daawo Muuqalka”Xisbiga Waddani Oo Ku Dhawaaqey Liiska Musharaxiinta Ku Tartami Doonta Kursiga Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Xisbigaas
October 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqey musharaxiinta u tartami doonta kursiga madaxweynaha iyo ku xigeenka xisbigaasi marka la gaadho shirka golaha dhexe oo qabsoomi doona 19-20 bishan .
Kursiga madaxweynaha ayaa waxaa u tartami doona Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro mana jirto cid kula tartami doonta .
Sidoo kale kursiga madaxweyne ku xigeenka oo ahaa mid ay isku soo sharaxeen siyaasiyiintii ugu badnaa ayaa waxaa hada isku soo hadhey oo ka soo gudbey shuruudaha 2 musharax oo kala ah Dr.Maxamed Cali iyo gudoomiye ku xigeenka xisbigaas Axmed Muumin Seed .