Daawo Muuqalka”Ergooyinka Xisbiga Wadani Oo Bilaabey Qaadashada Kaadhadhka Xubinmada Golaha Dhexe ….
October 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargaysa (Berberatoday.com)_ Qaadashada kaadhkii xubinimada golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana lagu galaayey shirweynaha golaha dhaxe ee Xisbigaasi oo la filaayo in uu 19ka bsihan ka qabsoomo magaalada Hargeysa, ayaa maanta si habsimi ah uga billaabmay Xarunta Dhaxe e Xisbiga WADDANI ku lee yahay Hargeysa.

Qaadasada kaadhka xubinimada oo maanta lagu billaabay xubnaha hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo qaar ka mid ah xoghayeyaasha Xisbigaasi, ayaa waxa saaka aroornimaddii hore kaadhkiisii xubinimada si caadi ah u qaatay guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaana uu sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay maanta qaataan kaadhka xubinimada golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI.