Gabadh 13 Jir Ah Oo Cunto La’aan U Geeriyootay 68 Maalmood Ka Dib
October 12, 2016 - Written by Berbera Today
India(Berberatoday.com)-Gabadh yar oo da’deedu tahay13 jir oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa geeriyootay kadib markii ay cunto la’aan ku joogtay muddo dhan 68 maalmood.
Gabadhan yar oo magaceeda la odhan jiray Aradna Samdariya ayaa waxay ku noolayd gobolka Haydar Abaad ee dalkaasi Hindiya, waxa aanay ku noolayd guriga waalidkeeda, ciidamada dalka Hindiya ayaa sheegay inay baadhayaan sababta keentay inay gabadhani ku joogto cunto la’aan muddada 68 ka maalmood ah.
Waalidka dhalay gabadhan ayaa sheegay inay iyadu go’aaansatay inay soonto muddadaasi, waxaanay sheegeen inay ahayd muddadii soonkooda oo ay diintoodu sidaa dhigayso, dalka Hindiya ayaa ah dal Diimo fara badan lagaga dhaqmo, balse xaqiiqada ka danbaysa arrintan ayaa waxa ilaa hadda ku daba jira ciidanka amaanka ee gobolka Haydarabaad.