Kulanka kadib ayaa shir wadajir ah ay qabteen Angela Merkel iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ay uga wada hadleen xadhiidhka labada Dowladood ka dhaxeeya iyo Xiisadaha iyo kacdoonada ka jira qeybo kamid ah dalka Itoobiya.
Angela Merkel ayaa Dowlada Itoobiya ku dhaliishay qaabka ay ula dhaqmeyso dadka kasoo horjeeda ee wada kacdoonada, waxa ayna ugu baaqday Dowlada in ciidamada aysan dadka u adeegsan awood ayna la furaan wadahadalo xal lagu raadinayo.
Waxa ay ugu baaqday Madaxda Itoobiya in la joojiyo adeegsiga ciidamada dheeriga ah , waxa ayna Dowlada ka dalbatay in ay dhageesato dadka kacdoonka wada ayna xal siyaasadeed u adeegsato dajinta xiisadaha ka jira dalkaasi.
Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa iska diiday in Dowladiisa ay awood u adeegsato dadka kasoo horjeeda dalkana ka wada kacdoonada, waxa uuna tilmaamay in la baadhayo hadii ay jiraan dhibaatooyin ay ciidanka u geestaan dadka dowlada kasoo horjeeda.
Booqashada Angela Merkel ku tagtay magaalada Adis Ababa ayaa kusoo aadeysa xili dalkaasi ay ka jiraan kacdoono dowlada looga soo horjeedo, waxa uuna Ra;isl Wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah dalka lagu soo rogay.