berberatoday.com
Riyad Mahriz Oo Ka Hadlay Damicii Arsenal Ee Xaggaagan iyo Sidii Uu Ka Yeelay
October 12, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Xiddiga reer Aljeria una safta kooxda Leicester City Riyad Mahrez ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xidhiidh iyo isku-dayadii ay sameysay kooxda Arsenal xaggaagan oo in badan lala xidhiidhinayey Inuu Gunners u wareegi doono balse iskudaygaasi guul daraystay.

riyadMehrez oo u waramay Canal Football Club ayaa sheegay inay Arsenal lasoo xidhiidhay laakin uu doorbiday sii joogitaanka kooxdiisa Leicester City “Waxaa jiray xidhiidh iiga yimid dhanka Arsenal, laakiin waxaan doorbiday kooxdayda Leicester oo markasta danaynaysa inaan sii joogo ana waan ka yeelay” sidaas ayuu yidhi Mehrez.

Riyad Mahrez ayaa muujiyay inuu aad ugu faraxsanaa inuu iska diido dallabka Arsenal si uu mar kale naftiisa ugu soo muujiyo kooxda Leicester City waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Ma doonayn inaan abuuro isku dhac markii aan dalabka Arsenal ka helay, anigu shaqsi ahaan waxaan rumaysnaa inay tahay wax fiican inaan iska joogo kooxdayda Leicester City”.

Mahrez Ayaana si gaar ah u cadeeyey in tobobbare Arsen Wenger uu xiisaynayey isaga balse uu ka door biday isagu sii joogitaanka garoonka Leicester City ee King Power kaas oo uu sheegay inay tahay Gagida isaga iyo dunnida is bartay.

Ugu dambayn Mehrez oo noqday xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League-ga ayaa heshiis cusub la galay kooxdiisa Leicester city bishii July ee sanadkan, kaas oo ku kacaya 80,000 oo Pound Toddobaadkii, waxaanu muujiyey mid beeniyey hadaladii saxaafada yurub isla dhexmaraysay xaggaagan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews