berberatoday.com
Tirada Dad U Dhintay Xannuun Ka Dillaacay Bariga Saaxil, Cusbitaalka Guud Ee Berbera Oo Bukaanno La Dhigay Iyo Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay
October 12, 2016 - Written by Berbera Today
“Waa jadeeco (Xannuunka Dadku u dhintay), inkastoon Shaybaadh lagu xaqiijin.” Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka – Wareysi Gaar ah
Saaxil(Berberatoday.com)-Inta la ogyahay Afar Qof baa ku dhintay Deegaanno ka mid ah Gobolka Saaxil ee Somaliland, kuwaasi oo uu Asiibay Xannuunka Jadeecada oo Barriga Gobolkaa ka dilaacay.
Sidaana waxa xaqiijiyey Xildhibaanno ka mid ah Golaha Deegaanka ee Berbera oo sheegay inay kormeer ku soo mareen deegaannada uu ka dillaacay Xannuunka Jadeecadu, kuwaasi oo Habeen hore Shir-jaraa’id ku qabtay Gudaha Cusbitaalka Guud ee Berbera oo la dhigay Hal Qof oo Xannuunkaasi uu soo ritay.
Xildhibaannada ayaa sheegay in Xannuunkani uu Afar Qof ku dilay Deegaannada uu ka dillaacay oo ah Gubanka Gobolka Saaxil, kuwaasi oo ay ku kala sheegeen Saddex Carruur ah oo Da’doodu Shan jir ka hooseyso iyo Gabadh 25 jir ah.
“Dadka dhintay waa Saddex Carruur ah oo Da’doodu tahay Shan Jir iyo wixii ka hooseeya iyo Gabadh 25 jir ah. Waxaana Cusbitaalka Guud ee Berbera la keenay Gabadh laga soo gudbiyey Degmada Laas-ciidle, waxaana Gabadhaa Magaceeda la yidhaahdaa Hinda Axmed Maxamed, waa Soddon jir.”ayuu yidhi, Xildhibaan ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka ee arrintan ka hadlay.
Geesta kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo Wargeyska HIMILO Xalay khadka Telefoonka ku waydiiyey waxay kala socdaan Xannuunka ka dillaacay Deegaannada Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay la socdaan Xannuunka ka dillaacay Saaxil, isla-markaana maalintii loo soo sheegayba ay deegaannada Xannuunku ka dillaacay u direen Kooxo Caafimaad oo kormeer ku soo sameeyay.
Agaasimaha Guud, wuxuu sheegay in Xannuunada Kooxaha Caafimaadku ku soo arkeen deegaannada Saaxil ee ay soo mareen aanu ku koobnayn Jadeeco, laakiin ay ku soo arkeen Xannuunada ay ka mid yihiin Oof-wareenka iyo Nafaqo-darro.
“Abaaro ayaa ka jira Dhulkaa, Kooxo Caafimaad oo aanu dirnay waxay ii soo sheegeen oo ay yidhaadheen waxaanu aragnay Dad oof-wareen hayo iyo Kiisas xannuunka Jadeecada ah.” Ayuu yidhi, Agaasimaha Guud, waxaanu intaa ku daray in Xannuunka Dadku u dhinteen yahay Jadeeco, “Waa jadeeco (Xannuunka Dadku u dhintay), inkastoon Shaybaadh lagu xaqiijin.”
Saleebaan Jaamac Diiriye, wuxuu Wargeyska Himilo u sheegay in markii uu soo gaadhay Warka Xannuunkani uu Jimcihii isugu yeedhay Agaasime-waaxyeeda Wasaaradda, markaa ka dibna uu Kooxaha Caafimaadka u diray Saaxil, “Agaasimayaasha ayaan Jimcihii isku yeedhay, waxaanuna dirnay Kooxo Caafimaad oo gurmad ah, markaa waanu ka jawaabnay Xaaladdaa, wayna soconayaan Hawl-gallada Kooxaha Caafimaadku.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya hadallo Xildhibaannada Golaha deegaanka Berbera ku sheegeen inaan Wasaaradda Caafimaadku wax jawaab ah ka bixin Xannuunka ka dillaacay bariga Gobolka Saaxil, “Kooxaha Caafimaadka waxaan u diray Bariga Gobolka Saaxil, laakiin, waxa Maamulka Gobolka (Saaxil) sheegayaan wax aan ka jawaabayo maaha.”
Agaasimaha oo la waydiiyey Tirada Dadka u dhintay Xannuunkan, ayaa ku jawaabay, “Dhimashada waxa la iigu sheegay Dhowr Qof.” Ayuu yidhi.
Berberatoday.com
COMMENTS
|