Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Ka Hadlay Qalalaasaha Iyo Kacdoonada Ka Socda Dalka Itoobiya.
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), ayaa ka hadlay qalalaasaha iyo kacdoonada ka socda dalka Somaliland la jaarka ah ee Itoobiya, isagoo ka hadlay hadlay saameynta ay kacdoonadaasi ku yeelan karaan Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafyada dhulka iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka, waxaanu Siyaasiyiinta kala duwan ee dalka ugu baaqay inay danta qaranka ka shaqeeyaan oo wixii lid ku ah iska dayaan, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya rabshado Axadii ka dhacay Wajaale uu yidhi “Laba qof baa ku dhintay Wajaale ILLAAHAY ha u naxariisto, qof dhaawac dhintay, iyo qof markii hore dhintay, khilaafyada dhulka waa dhibaatooyin taagan, oo dalkoo dhan ka taagan, dhulkana khilaafadkiisi baa batay, Dawladduna hadda wixii dhiba ah ee dhaca gacanta ayey ku qabanaysaa, oo hadeerna gacanta ayey ku haysaa arinta Wajaale ee Dhulka, dadkana waxaan ku waaninayaa oo aan u jeedinayaa in cudurkan dhulka ee dadkii dhibaatada ku noqday ee dadkii iska hor keenaya, in la iska ilaaliya, oo laga feejingaado”