berberatoday.com
Bulsho Weynta Gobollada Bariga Somaliland Oo Si Weyn Usoo Dhoweeyey Dhawaaqii Kasoo Yeedhay Musharraxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Ee Uu Ku Sheegay Inuu Madaxweyne Ku-xigeenkiisu Beelaha Harti Noqon Doono
October 13, 2016 - Written by Berbera Today

 

Cabdiziis cabdilahi Faarax; “wll waxan degenahay Magaaladda laascaanood, waxananu nahay dhalinyaro badan oo damac siyaasadeed leh, isla markaana waxaanu soo dhoweynaynaa hadalkii Musharaxa Ucid Jamaal cali Xuseen ku sheegay inuu Madaxweyne ku xigeenkiisa uu dhalasho ahaan kasoo jeesan doono gobollada bari, hortaa arrinkaa waanu soo dhoweynaynaa, markaa xigtaa waxaan isleenahay Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa uu noqday Siyaasigii keliga ah ee mansab madaxweyne isku soo taaga ee ku dhiiradda inuu Madaxweyne xigeenkiisa kasoo xusho Beelaha Hartii, markaa Jamal waxanu ugu bushaaraynaynaa inaanu siin doono anaguna Cod ka badan laba boqol oo kun, Gobolka Sool waxa isdiiwaangeliyey Jamaalow 150,000,

 

Laascaanood(Berberatoday.com)-Dadweynaha reer Somaliland ee ku nool magaalooyinka Sool iyo Sanaag ayaa si weyn usoo dhoweeyey dhawaqii dhowaan kasoo yeedhay Musharraxa jagada Madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen oo sheegay inuu Musharraxiisa Madaxweyne ku-xigeenka kasoo xulan doono gobollada bariga ee S/land, khaasatan Beelaha Harti. Si looga midho dhaliyo gogoshii nabadeyntaa ee Beelaha bariga uu u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo.

Haddaba, dadweyne faro badan oo kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag oo kala jooga Daafaha adduunka iyo sidoo kale, kuwo ku sugan Magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ayaa si toos ah ula soo xidhiidhay Shabakadda warar ee Xogreebnews, kuwasoo qaarkood aallada Facebooga usoo dhigeen taageerada, halka qaarna khadka Telefoonka noogu soo hagaajinayeen hambalyadda ku socota dhawaqii Musharraxa Madaxweynaha Ucid Jamaal cali Xuseen uu ku cuganaayey Musharrax ku-xigeenkiisu inuu kasoo jeedi doono gobollada bare ee Somaliland. Ugu horreyn aan ku horreyno dadka Hambalyadooda nagu soo gaadhsiiyey bar kulanka Facebooka oo aan qoraaladooda iidin soo gaadhsiin doona siday ahaayeen.

 

Niciima Hassan; “wll waxaan jooga magaaladda laascaanod, waxanaan doonaya inaad naga gaadhsiiso Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Ucid Md. Jamal ali husien hambalyo ballaadhan, maadaama oo Musharrax Jamaal ku dhiiraday inuu Musharaxiisa M/weyne xigeenka kasoo xulanaayo gobollada Sool iyo Sanaag oo runtii ku dulmanaa Somaliland, isla markaana aanay cidi ka qaybgelin jirin hoggaaminta dalka, markaa Jamaal waxaan leeyahay talaabo cadaaladeed ayaad qaaday aniguna hiilkeedii waad naga helaysaa”.

 

Jaamac saleeban; “waxaan jooga Adicadeeye waxanan kalfurnaan kusoo dhoweynayaa hadalkii shalay kasoo yeedhay Musharax Madaxweynaha Ucid mr Jamaal Cali xuseen oo runtii ah Nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo dalkeenu u baahan yahay, waana ninka maanta gartay inuu Madaxweyne ku xigeenka ka dhigto qof kasoo jeeda gobollada bari, Jamaal waxaan leenahay waad naga helaysaa abaalkaa insha alla”.

Cabdiziis cabdilahi Faarax; “wll waxan degenahay Magaaladda laascaanood, waxananu nahay dhalinyaro badan oo damac siyaasadeed leh, isla markaana waxaanu soo dhoweynaynaa hadalkii Musharaxa Ucid Jamaal cali Xuseen ku sheegay inuu Madaxweyne ku xigeenkiisa uu dhalasho ahaan kasoo jeesan doono gobollada bari, hortaa arrinkaa waanu soo dhoweynaynaa, markaa xigtaa waxaan isleenahay Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa uu noqday Siyaasigii keliga ah ee mansab madaxweyne isku soo taaga ee ku dhiiradda inuu Madaxweyne xigeenkiisa kasoo xusho Beelaha Hartii, markaa Jamal waxanu ugu bushaaraynaynaa inaanu siin doono anaguna Cod ka badan laba boqol oo kun, Gobolka Sool waxa isdiiwaangeliyey Jamaalow 150,000, halka Sanaagna ay beelaha harti deegaanadoodu diiwaangelintii ka dhacday 20,000 naloo soo sheegay, inksatoo aanay deegaano badan oo beelaha harti degaan aan laga qaban diiwaangelintaa haddana, Gobolka togdheerna Cod badan ayaanu ugu haynaa, markaa abaal gud wanaagsan ayaanu kugu qaabileynaa insha allah”.

Salma ayaan ali; hambalyo, Jamaal cali xuseen waxaa uu furay dariqii ay garan waayeen reer Kulmiye, waxanad naga filataa naga gaadhsii Jamaal cali xuseen Cod kii Kursiga ku saarayey adiga iyo ku xigeenkaagaba insha alla”.

Nicmo jama; “waxan jooga Bristol Uk Jamaal cali xuseen Musharrax Madaxweynaha Ucid oo aan markii hore taageersanaa waxa uu maanta qaaday tallaabo uu Xisbiga Kulmiye ee Xukuumadda ah uu lumiyey, waxanan soo dhoweynayaa inuu nagalakulmi doono isna wax uu ku farxo. Waxa kaloo oo aan doonayaa inaan Bulshadda reer Somaliland ee kasoo jeedda Beelaha Hartii ay taageero cudud miisaan badan ku garab joogsadaan Musharrax Ucid oo runtii ah kii S/land ka dhigi lahaa dal la wada leeyahay, waxanan usoo jeedinayaa Cidi ka hortimaada qorshaha Madaxweynaha Mustaqbalka Jamal ali xuseen inay tahay Somaliland diid ka xun inay reer Sool iyo Sanaag wax la yeeshan Somaliland, Jamaal-na ilahay ha ku garab galo ayaan leenahay”.

Farxaan ahmed ali; “wll waxaan joogaa Magaaladda Buuhoodle, waxanaan doonaya inaan Ha,balyeeyo Musharraxa xisbiga Ucid Jamaal oo beelaha hartii maanta isaguu Codkoodii kasbaday, waxanan leenahay manta laga bilaabo waanu ku garab taaganahay oo Cod kaa soo horjeesan kartaa ma jirtoo hiil iyo Codbaa waanu kuu haynaa, waxanan kugula talinayaa inuu qofka aad madaxweyne ku xigeenka usoo xulanaysaa uu noqdo Saleebaan Xagla toosiye, oo Musharrax Xisbiga Kulmiye kula kacay cadaalad daro iyo Musuq-maasuq aan la qiyaasi karayn”.

Maryan Bashe ali; “wll waxaan jooga Magaaladda Ceerigaabo, waxaanu ilaa manta meel walbaa lagaga hadal hayaa magaaladan oo lasoo dhoweynayaa hadalkii Jamaal ee ahaa inuu Madaxweyne kuxigeenkiisu noqon doono Nin Beelaha Harti kasoo jeeda, waanu soo dhoweynaynaa Jamaalna runtii waa Ninka manta Midnimada S/land ku xidhan tahay, laba xisbi ee kaleba waa khasaare Codna uma hayaan Beelaha Harti”.

La soco qaybaha danbe ee Bulshadda kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag ee soo Hambalyeysay cugashaddii Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo ku faafsan daafaha adduunka. Waxanaanu iidinku soo gudbin doonaa sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews