Dawlada Koonfurta Suudaan Oo Ka Hadashay Inuu Dhintay Madaxwayne Salva Kiir
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
Juba(Berberatoday.com)-Dawladda Koofurta Sudan ayaa been abuur ku tilmaamtay warar saacadihii la soo dhaafay suuqa la soo geliyay, kaasoo sheegayay inuu geeriyooday Madaxweyne Salva Kiir.
Afhayeenka Madaxweynaha Ateny Wek Ateny oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa beeniyay warkaas, isagoo sheegay in Madaxweynaha uu nool yahay, isla markaana uu caafimaad qabo.
Afhayeenka Madaxwayne Salva kiir waxaa uu shacabka dalkaasi ugu baaqay inaanay dhageysan wararka sheegaya inuu madaxwaynuhu geeriyooday
Baraha Bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay warar ku saabsanaa xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo inuu geeriyooday.