Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Dagaalo ayaa la soo sheegayaa iney goor dhoweyd dib uga qarxeen galbeedka magaalada Gaalkacyo oo ay isku hor fadhiyeen maalmahanba ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu dib u qarxay markii maamulka Puntland uu saaka dib u bilaabay dhismaha maxjar loogu talo galay xoolaha oo galbeedka magaaladaas laga dhisayo, kaasoo dhulka laga dhisayo muran xoogan uu ka taagan yahay.