berberatoday.com
Liiska Maalqabeenadda Shiinaha Oo Kor U Kacay Kana Horeeya Kuwa Maraykanka L
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Liiska dadka lacagta leh ee Shiinaha ayaa mar kale sheegaya in dadka lacagta balaayiinta dollar haysta ee Shiinaha ay ka badan yihiin kuwa Maraykanka, ayna kordhayaan.
Ninka ka ganacsada guryaha ee Wang Jianlin ee shirkadda Dalian Wanda, ayaa ugu horeeya liiska 594 qof ee balaayiinta dollar leh ee Shiinaha iyadoo ka horaysa 535 qof oo Maraykan ah ee balaayiinta dollar leh.
Ninka iska leh Alibaba ee Jack Ma, ayaa galay kaalinta labaad, iyadoo lacagtiisii ay korortay 41% intii ay sanadkii hore ahayd.
Liiskan sanadlaha ah ayaa waxaa soo saaray Hurun oo lala barbardhigo liiska Forbes ee ka soo baxa Maraykanka.
Warbixinta Hurun ayaa la soo saarayay siddeed iyo tobankii sano ee ugu danbeeyay.
Laakiin, taajiriinta Shiinaha ayaan ka mid ahayn labaatanka qof ee ugu lacagta badan adduunka.
Ninka ugu horeeya dadka lacagta leh ee Shiinaha Wang Jianlin, ayaa haysta lacag dhan $32.1 oo bilyan.
Jack Ma oo leh Alibaba ayaa ku xiga oo leh $30.6 oo bilyan, Pony Ma oo leh Tencent ee ciyaaraha internetka ayaa ah qofka saddexaad ee ugu lacagta badan Shiinaha isagoo leh $24.6 bilyan.
Image copyright AFP Image caption Wang Jianlin oo leh Dalian Wanda ayaa wali ah qofka ugu lacagta badan Shiinaha
Yao Zhengua oo leh shirkadda Baoneng Group, ayaa galay kaalinta afraad isagoo leh $17.2 oo bilyan.
Dadka Shiinaha ee leh balaayiinta dollar ayaa intooda badan ay ku nool yihiin magaalada Beijing, waxaana ku soo xiga magaalooyinka Shenzhen, Shanghai iyo Hangzhou.
Caalamka, liiska Forbes ee dadka lacagta leh waxaa ugu horeeya Bill Gates ee Microsoft oo leh $75bilyan, waxaana ku xiga Amancio Ortega ee leh Zara iyo maalgashtaha Warren Buffett.
Source: BbC
COMMENTS
|