Ma Dhabaa In Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhex Maray Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Wasiirka Qorshaynta
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Sida aynu la wada socono waftigii Madaxwaynaha Somaliland hogaaminayay ayaa wali ku sugan dalka ingiriiska gaar ahaan magaaladda London
Waxaana soo baxaya warar is khilaafsan oo sheegaya in dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka qorshaynta Somaliland Cali Shiinbe
Lama garanayo sababta keentay dhacdadan balse warku waxa uu intaas ku darayaa in gudoomiyaha kulmiye ku horeeyay gacan ka hadalka walaw aan la garanayn waxa ay isku qabteen labadan masuul