Nin Suuriyaan Ah Oo Isku Dilay Xabsi Ku Yalla Dalka Jarmalka
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
Leipzig(Berberatoday.com)-Jaber Al-bakr oo 22 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerarro bambaano in uu ka geysto bariga magaalada Leipzig ee dalkaas, balse booliska ayaa gacanta ku dhigay.

Ninkan ayaa inta uusan is dilin ka hor cuntada maalmo ka soomanaa, waxaana loo bahnaa in si dhow arrimihiisa ay ula socdaan booliska iyo maamulka xabsigaasi, sidaasi darteedna waxaa la sheegayaa in ay wajihi doonaan Su’aalo la weydiin doono.