Venâncio Casemiro: “Waa Hubaal Cristiano Ronaldo Ayaa Ku Guuleysanaya Ballon d’Or Sannadkan”
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Sida la wada saadaalinayo Cristiano Ronaldo ayaa ugu cad-cad inuu ku guuleysan doono abaal-marrinta Ballon d’Or ee sannadkan, maadaama uu ku guuleystay Champions League iyo Euro 2016, laakiin saaxiibkii Venâncio Casemiro ee kala tirsan Real Madrid ayaa shaki la’aan qaba inuu abaal-marrinta hannan doono xiddiga reer Portugal.
Inkasta oo uu laacibka reer Brazil sheegay in Ronaldo uu ku guuleysan doono laacibka dunida ugu wanaagsan ee Ballon d’Or sannadkan, laakiin waxaana uu ka tegin Neymar JR oo uu ku sheegay in sannadihiisu iman doonaan.