“Wadnuhu Wuxuu Ku Shaqeeyaa Tuumbooyin, Kelyihiina Way Istaageen..”
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
War-bixin Ka Hadlaysa Muwaadin Caawimo U Baahan
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Kelyaha oo ah Xubnaha Bini’aadam kasta ka saara Qashinka Jidhkiisa ku jira Waxaa ay joojiyeen gabi ahaanba shaqadii ay Jidhka u qaban jireen, Kaadidda Qof bini’aadamka ah dibadda uga soo baxdaa isaga waxaa ay ku noqotaa Guddihiisa, Ma kaco oo cagihiisa waxba kuma doonto, Waa dhul jiif, mararka qaarna ma yaqaano meel uu joogo If Iyo Aakhiro oo waxaa uu leeyahay xanuunka Suuxdinta.
Sanaddo ka hor waxaa la dhacay Gaadhi kaasi oo sababay in wadnaha jug kasoo gaadho islamarkaana qaliin lagu sameeyo, taasi oo sababtay in jidhkiisa lagu rakibo tuumbooyin jidhka u qaybiya Dhiigga, ma awoodo waxaa uu qabsado oo jidhkiisa waxaa ka muuqda barar xoogan.